Safiirka dawlada Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mudane Mohamed Amin Sheikh Osman ayaa Maanta kulan mira dhal ah la qaatay xoghayaha Guud ee ururka raabidada Caalamka islaamka isla markaana ah Gudomiyaha Hay,ada Culumada muslimiinta Dr. Mohamed Al ciisa, kulankaas oo ka qabskomay xafiiska Xoghayah Guud ee Magaalada Riyad.
Kulanka ayaa looga wada hadlay Arimaha iskaashiga labada dhinac iyo sida loo sii hormarin lahaa.
Sida oo kale Safiir Mohamed Amin ayaa xogahayaha Guud uga mahadceliyay sida mar waliba ay u garab taaganyihiin Somalia, oo ay ugu dambeysay bayaankii lagu diiday xadgudubka Israil ee Madaxbanaanida iyo Midnimada dalka Somaia.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka...











