Sunday, April 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Kenya iyo Jaaliyadda oo deeq dawo ah guddoonsiiyay Wasiirka Arrimaha gudaha XFS

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Kenya iyo Jaaliyadda oo deeq dawo ah guddoonsiiyay Wasiirka Arrimaha gudaha XFS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta deeq dawo ah ka guddoomay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Mudane Axmed Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kelimad kooban kajeediyay munaasabadda lagu guddoonsiinayay dawada ayaa waxaa uu bogaadiyey Safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026

“Waxaan rabaa in aan ka mahadceliyo dadaalka safiirka iyo kalsoonida ka dhaxeysa Jaaliyadda oo ay ka muuqato deeqdan, oo ah Jaaliyaddii kowaad iyo Safiirkii koowaad ee dalka soo gaarsiiya deeq ka timid dadkii Soomaaliyeed ee halkaasi deganaa”.ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa  si gaar ah ugu mahadceliyay Safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya, waxaa uuna hoosta ka xariiqay in tallaabadan ay niyad-dhis u tahay ciidanka xoogga dalka ee dib u xorreynta ku jira, ayna muujineyso in ay leeyihiin Safaarad iyo Jaaliyaddagaalka kula jirta, isaga oo Jaaliyadaha iyo  madaxda safaaradaha kale ee dibadda ugu baaqay in ay ku deydaan.

Goobta lagu guddoomay deeqda waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka socotay qeybta degdegga ah ee Hay’adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka, Wasaaradda arrimaha dibadda iyo hogaanka caafimaadka ee XDS iyo hey’ado kale.

Waxaana ugu danbayn daawadaas lagu wareejiyay qeybta gargaarka deg degga ah ee hey’adda SoDMA iyo hogaanka caafimaadka ee XDS.

Previous Post

Wasiirka tamarka iyo kheyraadka biyaha XFS oo ka warbixiyay wax qabadka wasaaradda

Next Post

Wasiirka Caafimaadka oo Guddi u xilsaaray wax ka qabashada qeybta gubatey ee Isbitaalka Demartino

Next Post
Wasiirka Caafimaadka oo Guddi u xilsaaray wax ka qabashada qeybta gubatey ee Isbitaalka Demartino

Wasiirka Caafimaadka oo Guddi u xilsaaray wax ka qabashada qeybta gubatey ee Isbitaalka Demartino

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaadatay ururrada Haweenka,...

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulan muhiim ah la-qaatay dhiggiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

April 4, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashaneysa shirkadda Somali Fuel Company (SFC), ayaa maanta deeq raashin ah ku wareejisay...

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

April 4, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qaybgalay munaasababad lagu daahfurayay Xarunta Shaybaarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In