Munaasabaddan sagootinta ah ee loo sameeyey arday Soomaaliyeed oo ku guuleysatay deeq Waxbarasho oo dowladda Soomaaliya ay ka heshay dowladda Japan ayaa waxaa ka qeybgalay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, waxaana ardayda ay baran doonaan Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadaha dalka, kuwasi marka ay Tacliinta Sare u soo idlaato ku soo laaban doona dalkooda Hooyo si ay kaalin mugleh uga geystaan horumarinta dadka iyo dalka.
Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka hadlay Xafladda ayaa uga mahad celiyay dowladda Japan deeqdan waxbarasho oo waqtigeeda ku haboon ay u fidisay ardayda Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray in Deeq-daan Waxbarasho ay ka turjumayso sida hagar la’aanta ah ee dowladda Japan uga go’an tahay taageeridda mashaariicda lagu hormarinayo dalkeenna Soomaaliya.
Danjire Jabril, ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in ardayda wax ka baran doonta dalka Japan ay ka qeyb qaadan doonaan dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya ka socda marka ay ku soo laabtaan dalka hooyo
Danjiraha ayaa waxa uu ku dhiiri galiyay ardayda in ay ka faaโidaystaan fursadan si ay wax u bartaan, u koraan xaga aqoonta, kuna ku talagaan in aqoonta ay soo bartaan ay wax ka tari doonto mustaqbalka ifaya ee umadeena iyo dalkeen.
Danjiraha ayaa ugu danbeeyntii, waxa uu mahadcelin u diray dawladda iyo shacabka Japan, isaga oo uga mahadceliyey saaxiibtinimada iyo taageerada aan kala goโa lahayn ay la garab taagan tahay dalka iyo dadka Soomaliyeed. Barnaamijkan deeq-waxbarasho runtii waa mid albaabaada u furi doonto ardeydeena, isla markaana siin doonto laga galo fursadaha aan dhammaadka lahayn ee ardaydeenna.
Waxaa dib u bilaawday deeqihii waxbarasho ee dalka Soomaaliya horay loo siin jiray kuwaas oo hakad galay xiligii dagaalka sokeeye. Safaraadda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ayaa dar-dar galisay in dib loo soo celiyo deeqahaaas muhin ah u horumarka dalka Soomaaliya.
Sanadihii lasoo dhaafay, dalka Japan waxa ay Soomaaliya u ahayd mid ka mida saaxiibada muhiimka ah ee Soomaaliya ka taageera mashaariicda horumarinta. Iyadoo loo marayo wakaaladda iskaashiga caalamiga ah ee Japan ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (JICA), waxaa hadda ka socda dalka Soomaaliya mashaariic tiro badan oo wax weyn ka taraya horumarka dalka. Ballanqaadka dalka Japan ee horumarintayada maaha mid ka tarjumaysa oo kaliya xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal, balse sidoo kale waa xiriir adag ee taariikhiga ah ee isku xira labada dal.
Xiriirka labada dal waxa sii xoojiyay booqashooyinkii madaxdu ku tageen dalka Japan iyo masโuuliyiin kale, waxa ay taasina muujinaysaa sida labada dal ay uga goโan tahay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah.