Monday, February 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saraakiil ka socotay Hay’adaha Qaramada Midoobay oo kormeeray xeryaha barakacaaysha ee Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Saraakiil ka socotay Hay’adaha Qaramada Midoobay oo kormeeray xeryaha barakacaaysha ee Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saraakiisha ka socotay Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ujeedkooda ahaa mid xaqiiqo raadin ah, kaasi oo looga gol leeyahaa ka warqabka xaaladaha nolaleed ee ay ku sugan yihiin kumanaan qoys oo barakacayaal ah, kuna nool qaar ka mida xeryaha barakacayaasha Gaalkacyo.

Qoysaska oo badankood ah kuwo naftooda oo kaliya kala soo baxsaday kooxda nabadiidka Argagixisada Al-Shabaab ee dhibaatooyin hor leh ku haya bulshada ku nool deegaanada dhaca koofurta Gobolka Mudug, kuwaa oo ka soo horjestay afkaarta guracan ee kooxdaasi caaadeeysteen ayaa maanta wafdiga ka socatay Hay’adaha Qaramada Midoobay oo ay wehliyeen mas’uuliyiinta maamulka degmada Gaalkacyo waxa ay ku tageen xeryaha barakacaaysha ee Deegaan, halkaasi oo ay ku nool yihiin barakacayaal siyaabo kala duwan ku soo miciinsaday xeryahaasi isla markaana isugu jira kuwo kusoo xoola beelay dhulalka fog fog ee miyiga Gobolka Mudug.

Related posts

Tartamayaasha Gubadleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

February 23, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

February 22, 2026

Saraakiisha ka socatay Hay’addaha Qaramada Midoobay ayaa intii ay kormeerka xeryahaasi ku guda jireen wareystay qoysaska barakacayaasha dhibaatada ay u soo magan sadeen xeryaha iyo xaalada ay ku nool yihiin, kuwaas oo dhamaantood xusay in ay dhibaato nafeed iyo mid nolaleed ay uga soo hayaameen deegaanadii ay horay ugu noolaayeen, iyagoo dhanka kalana sheegay in ay baahi weyn ay u qabaan in laga caawiyo xagga biyaha, cunnada, caafimaadka, Hooyga iyo musqulaha.

Isbitaalka weyn ee Galkacyo Galmudug ayaa sidoo kale saraakiishaan ay kormeer ku tageen iyagoo u kuur galayay xaalada bukaanada halkaasi ku jira iyo adeegyada ay u baahan yihiin, waxaana warbixino ay ka dhageysteen howlwadeennada caafimaadka isbitaalka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr Mahad Caabi Ciise oo isagu guud ahaan ka warbixiyay howlaha shaqo ee isbitaalka bulshada u hayo iyo Baahiyaha ka jira ee loo baahan yahay in laga caawiyo

Intaas kadib waxaa kulan gaar ah ay la qaateen saraakiishii ka socatay Hay’adaha Qaramada Midoobay oo ay ka mid ahaayeen UNOCHA. UNICEF. WFP. UNHCR. IOM iyo UNODS mas’uuliyiinta maamulka Galmudug, kuwaas oo ay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa daboolidda baahiyada jira

Gudoomiyaha Dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale oo ugu dambeyn warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kormeerka maanta uu ahaa mid aad muhiim u ahaa, isla markaana lagu xaqiijinayay dhibaatooyinka heysata barakacayaasha ku nool Gaalkacyo, kuwaas oo uu tilmaamay in dhibaatooyin dhanka nolasha ay ka jiraan, waxaana uu xusay in saraakiishii ka socatay Qaramada Midoobay ay isku afgarten sidii loo wajahi lahaa xaaladda qoysaska dhibaateysan wax loogu qaban lahaa.

Previous Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgallo ka sameeyay Waddada isku xirta Ceelberde iyo Xudur “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Ganacsiga oo ka qeyb galay xaflad Bankiga Dhexe uu shirkadda Somtel ku siinayay ruqsadda Mobile money “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Ganacsiga oo ka qeyb galay xaflad Bankiga Dhexe uu shirkadda Somtel ku siinayay ruqsadda Mobile money “SAWIRRO”

Wasiirka Ganacsiga oo ka qeyb galay xaflad Bankiga Dhexe uu shirkadda Somtel ku siinayay ruqsadda Mobile money "SAWIRRO"

Tartamayaasha Gubadleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

February 23, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

February 22, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabbilay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane...

Senator Xasan Kobac oo markale biyo dhaamin u sameeyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo markale biyo dhaamin u sameeyay qoysas danyar ah

February 22, 2026
0

Hey'adda Xasan Kobac Foundation oo wakiil ka ah Sanator Xasan Kobac ayaa maanta Deeganka Maroodile Ka daah durtay Wajiga Labaad...

Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Boqortooyada Sacuudiga

Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Boqortooyada Sacuudiga

February 22, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran ugu hambalyaynaysaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya aan walaalaha nahay munaasabadda Maalinta Aasaaska, taas oo calaamad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In