Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saraakiil ka tirsan Booliiska Mareykanka oo la dilay+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 8, 2016
in Wararka
0
Saraakiil ka tirsan Booliiska Mareykanka oo la dilay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shan ka mid ah saraakiisha booliiska magaalada Dallas ee gobolka Taxis ee dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu diley toogasho xilli halkaasi ay ka socdeen dibad baxyo ka dhan ah dilka nin ka mid ah dadka madow oo booliiska ay dileen sida ay sheegeen saraakiisha.

Sidoo kale dhowr ka mid ah saraakiisha booliiska ayaa weerarka ku dhaawacmay sida uu sheegay madaxa booliiska ee Dallas David Brown.

Related posts

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

July 13, 2025
Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025

” Waxaa socda baaritaan xoog leh oo lagu baadi goobayo kuwa la tuhunsan yahay” , ayuu yir taliyaha booliiska Dallas David Brown.

Xaaladda ayaa ah mid wali aan xasilooneyn iyadoo wararka ay intaa ku darayaan in booliiska ay sawireen mid ka mid ah kuwa la tuhunsan yahay oo wali la raadineyo.

Rabshadahan ayaa ka dambeeyay markii ciidanka booliiska ay dileen Philando Castile oo lagu diley Minnesota  iyo Alton Sterling oo isana booliiska ay ku dileen  Louisiana.

Dibad baxyada  Dallas ka dhacay ayaa qeyb ka ah  banan baxyo laga dhigay guud ahaan Mareykanka oo looga soo hor jeedo dilalka ciidanka booliiska ay u geysanayaan dadka madow oo asalkooda Afrika ka soo jeedo.

Madaxweynaha  dalka Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in dhammaan dadka maskaxda fiyow leh ay walaac ku heyso dilalka isdaba joogga ah oo loo geysto dadka madow.

_90326508_appolice _90326538_033954242-1 _90326700_033954618-1 _90326702_033955393-1 _90326706_mapthree _90327830_033955753-1

 

Previous Post

Wasiirka xanaanada xoolaha  oo Talyaaniga kula kulmay madaxa he’yada  FAO-Sawirro

Next Post

R/wasaare Cumar oo Adis ababa kula kulmay dhiggiisa dalka Ethiopia

Next Post
R/wasaare Cumar oo Adis ababa kula kulmay dhiggiisa dalka Ethiopia

R/wasaare Cumar oo Adis ababa kula kulmay dhiggiisa dalka Ethiopia

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

July 13, 2025
0

Diyaaraddii Air India ee ku burburtay 12-kii June 2025 magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya, ayaa noqday mid si weyn u...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas oo khuseeya sugidda Amniga Duulista Rayidka, heshiisyada ay Soomaaliya xubinta ka...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In