Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saraakil ka tirsan Booliska Beledweyne oo loo soo xiray tababar la xiriira Amniga doorashooyinka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Saraakil ka tirsan Booliska Beledweyne oo loo soo xiray tababar la xiriira Amniga doorashooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan tababar loogu soo geba-gabeeyay saraakiil ka tirsan Booliska Gobolka Hiiraan & Xubno kamid ah Ururada Bulshada rayidka, kaas oo  lagu baranayay sidii looga qeyb qaadan lahaa sugida amniga doorashooyinka.

Tababarka ayaa waxaa bixinayay saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya, waxana ka qeyb galay, taliye ku xigeenka ciidamada booliska Hirshabelle Korneyl Xassan Kaafi Maxamed Ibraahim, taliyaha qeybta booliska gobolka Hiiraan Korne Isaaq Cali Cabdulle, iyo saraakiil ka tirsan ciidamada booliska AMISOM.

Related posts

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026

Taliyaha qeybta booliska gobolka Hiiraan Korne Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in saraakiishaan la tababarayo ay noqon doonaan kuwo ka qeyb qaata sugida Amniga doorashooyinka Aqalka Hoose ee lagu qabanayo Magaalada Beledweyne.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Ciidamada Booliska Beledweyne ay ku dadaali doonaan in wax amni darro ah aysan dhicin mudada kooban oo ay socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka.

Magaalada Beledweyne  ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha loo asteeyay in lagu qabto doorashada Golaha Shacabka, waxaana ka socda diyaar gaoowgii ugu dambeeyay ee doorashada.

Tags: Saraakil ka tirsan Booliska Beledweyne oo loo soo xiray tababar la xiriira Amniga doorashooyinka
Previous Post

Taliye Xijaar oo ka qeyb galay shirka iskaashiga Booliska Afrika

Next Post

Uganda oo Soomaaliya u soo direysa saraakiil Cusub

Next Post
Uganda oo Soomaaliya u soo direysa saraakiil Cusub

Uganda oo Soomaaliya u soo direysa saraakiil Cusub

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters...

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026
0

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In