Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

SAWIRO : Shirka golaha Wasiirrada Dowladd Goboleedka Jubbaland maxaa looga hadlay?

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
SAWIRO : Shirka golaha Wasiirrada  Dowladd Goboleedka Jubbaland maxaa looga hadlay?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Golaha wasiirada Dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya oo uu maanta shir Gudoominayay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qabsoomay Gurigga Nabadda ee Magaalada Kismaayo.

Kulanka waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka labaad iyo inta badan Xubnaha Gollaha Wasiirada.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Ajandayaal kala duwan ayaa lagaga hadlay kulanka Khamiislaha ah ee Xukuumada waxaana kamid ahaa.

Wasaarada Cadaalada oo soo jeedisay in dayactir iyo qalabaynba lagu sameeyo Xafiisyada Wasaarada iyo in dib ay hawlhooda u bilaaban Maxkamadaha oo aan shaqaynin wixii ka danbeeyay Bishii Ramadaanka iyo in la baneeyo dhul loo dhisayo Maxkamadaha Dowlada si ay u helaan goobo ku haboon shaqadooda.

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta ayaa soo jeedisay Warbixin ku saabsan dhulka Dowlada iyo Dhulalka Ajaanibta oo ay Dowladu Masuul ka tahay waxaa kale oo Wasaaradu ay soo gudbisay in go’aan laga gaadho soo jeedintii hore ee ahayd in la sharciyeeyo Afar xero oo Dowladu ay leedahay balse dad shacab ah ay dagan yihiin Xeryahaas oo kal hore lasoo jeediyay in Dowladu ay dadka dagan u sharciyayso.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa soo jeedisay in xal laga gaaro Mushkiladaha iskuulada Dowlada.

Wasaaradu waxaa ay shaacisay in uusan jirin iskuul kamid ah kuwa Dowlada oo si toos ah u hoostaga Wasaarada iyo kala qaybsanan dhinaca manhajka ah oo ka jirta iskuulada waxaa kale oo oo Wasaaradu ay soo jeedisay in ay lagama maarmaan tahay in iskuulada la hoos geeyo Wasaarada oo ay Maamulkooda la wareegto.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku booriyay in Wasaaradahu ay ku dadaalan dardar galinta shaqada Wasaaradaha iyo u Adeegsita Bulshada.
thumbnail_S09A0227

thumbnail_S09A0231

thumbnail_S09A0247

S09A0227
………………DHAMAAAD…………………….

Previous Post

Guddoomiyaha cusub ee degmada Kaxda oo xilka la wareegay-Sawirro

Next Post

kulan doorka dhalinyarada looga hadlayay oo Muqdishu lagu qabtay-Sawirro

Next Post
kulan doorka dhalinyarada looga hadlayay oo Muqdishu lagu qabtay-Sawirro

kulan doorka dhalinyarada looga hadlayay oo Muqdishu lagu qabtay-Sawirro

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In