Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawirro+Warbixin: Guulaha Safarkii Wafdigii D. F. Somalia ee Qatar

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Sawirro+Warbixin: Guulaha Safarkii Wafdigii D. F. Somalia ee Qatar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
Wasiirka wasaaradda waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya  Cabdiraxmaan Daahir Cismaan iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Booqasho Rasmiya oo Saddex Maalin Qaadatay  ku tegay magaalada Dooxa ee Caasimada dalka Qatar.
Wafdiga Wasiirka waxaa ka mid ah Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Soomaaliya  Ururka waxbarashada ee Jaamacada Carabta iyo Ururka Islaamka   Cisaam Xuseen Jaamac.
La taliyaha Wasiirka ee Waxbarashada   Cali sheekh Axmed ,  Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada   Xasan Cali,  Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda Maxamed Jimcaale ,   agaasimaha  Waaxda Qorshaynta  ee Wasaarada Khadiija Jimcaalle iyo Xoghaynta  Wasiirka  Maariya Sakariye Axmed .
Wafdiga ayaa  la kulmay    Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dawladda  Qadar   Maxamed Xamaadi iyo Madaxda Wasaarada ,  Waxayna ka wada hadleen   Dar-dar gelinta Heshiiskii  ay horay labada dal u Saxeexdeen Sanadii 2015 kaasi oo ku saabsan Waxbarashada, Tacliinta Sare iyo Cilmi baadhista, iyadoona hada lagu    Lagu kordhiyey  Farsamada.
Wafdiga Soomaaliya ayaa soo bandhigay Mashaariic ku saabsan dhinaca Horumarinta, Waxbarashada  iyo Tacliinta Sare  kuwaasi oo ay doonayaan in laga caawiyo, Iyadoona oo labada dhinac ay isku Afgarteen.
Dhinaca kale Wafdiga DF-Somalia ayaa Kulan la  Qaatay  Agaasimaha guud ee Sanduuqa horumarinta ee Qatar   Khalifa Jassim Al kuwari,   iyo Madaxa Hay’ada Qatar  Khayriya  Yuusuf Al-kawari , Sidoo kalana  waxay Booqasho ku tageen    Jaamacadda  Xamad Bin Khaliifa.
Wasiirka wasaaradda waxbarashadda, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya  Cabdiraxmaan Daahir Cismaan  ayaa sheegay in dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen Labada Dawladdood laga gaadhay guulo la taaban karo “Waxaanu ka wada hadalnay oo isla garanay Fulinta Heshiisyadii Hore,   waxaana u sheegnay in Soomaaliya  ku socoto Marxalad Horumarineed, oo aanu ka gudubnay  Xaaladii Bini’aadanimo ”  ayuu yidhi Wasiirka.
Wafdiga   ka socday Dawladda Soomaaliya  ayaa  kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qadar,   Waxayna Bogaadiyeen dedaalada kala duwan ee Jaaliyadu ay samaysay,  iyagoo uga  Warbixiyey  Xaalada dalka Soomaaliya Marayo Xiligan, Dedaalada kala duwan ee Dawladdu ay wado  iyo Waxyaabaha uga Qabsoomay Safarka ay ku yimaadeen Dalka Qadar.
Ugu danbayntii Wafdiga ayaa siwayn ugu mahad celiyey Sii Hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Qatar Mukhaar Cali Yuusuf iyo Masuuliyiinta Safaarada oo siwayn u garab istaagay.
W/D: Axmed Cabdiqaadir Ismaaciil ( Ahmed Darwiish )
Previous Post

Daawo Sawirro+Taliska ciidanka X.D.S. oo sheegay in ay heleen xog la xiriirta horjoogaha ugu sarreeya Al shabaab

Next Post

Akhriso: isku aadka ciyaaraha maamulgoboleedyada oo la soo saaray

Next Post
Akhriso:  isku aadka ciyaaraha maamulgoboleedyada oo la soo saaray

Akhriso: isku aadka ciyaaraha maamulgoboleedyada oo la soo saaray

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In