Saturday, May 28, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirro+Taliska ciidanka X.D.S. oo sheegay in ay heleen xog la xiriirta horjoogaha ugu sarreeya Al shabaab

December 5, 2017
in Wararka
0
Daawo Sawirro+Taliska ciidanka X.D.S.  oo sheegay in ay heleen xog la xiriirta horjoogaha ugu sarreeya  Al shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Qeybta 43 Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya general Ismaaciil Saxardiid oo wareysi gaar ah siiyay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in xoggo ay heleen ay sheegayaan in Horjoogaha ugu sareeya Aragagxisada Al shabaab Axmed Diiriye uu ku dhuumaaleysanayo qeybo ka mid Gobalka Gedo.

Taliyaha ayaa sheegay in Horjooge Axmed Diiriye uu kasoo cararay Degmada Jilib ee Gobalka Jubada dhexe, kaddib Cadaadis xoggan oo uu kala kulmay Hawlgallada dhulka iyo Cirka ee Ciidamada Xoogga Dalka iyo Saaxiibada Caalamka ay ku ciribtirayaan Argagaxisada Al shabaab.

Related posts

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda Tadamun

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda Tadamun

May 28, 2022
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

May 28, 2022

“Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in Horjoogaha Al shabaab ugu sarreeya uu ku dhuumaaleysanayo qeybo ka mid ah Gobalka Gedo, isagoo ka soo cararay Degmada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe halkaas oo uu ku dhuumaaleysan jiray, isagoo ka baxsanaya hawlgallada iyo duqeymaha Ciidamada xoogga dalka iyo Saaxibada caalamka ay ka wadaan qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya”.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Horjoogaha ugu sareeya Nabad diidka Al shabaab uu ugu cararay Gobalka Gedo inuu baxsado maadaama ay soo wajahday baqdin xoogan laakiin Sirdoonka Soomaaliya iyo ciidamadda Xoogga dalka ayaa ku bartilmaameedsan doono goob kasta oo uu ku dhuumaaleysanayo.

Sidoo kale General Ismaaciil Saxardiid Keedsane waxa uu sheegay nabadiidka Al-shabaab goobaha ay joogaan ay dhibaato ku hayaan shacabka ku nool isagoona balan qaaday in degaanadaasi dhawaan ay la wareegi doonaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay diyaar u yihiin dagaalka guud ahaan dalka looga saarayo Argagaxisada Al shabaab, iyagoo ay u dhameystiran yihiin qalabkooda, si fiicana loo dhiiri galiyay, waxay sidoo kale heystaan balanqaadyo dhiiri galin ay u sameeyaan Madaxda Qaranka oo waqti kasta garab taagan

 

Previous Post

Akhriso: Nuxurka Khudbadihii laga jeediyay Maalintii Labaad shirka ka socda Muqdisho+Sawirro

Next Post

Sawirro+Warbixin: Guulaha Safarkii Wafdigii D. F. Somalia ee Qatar

Next Post
Sawirro+Warbixin: Guulaha Safarkii Wafdigii D. F. Somalia ee Qatar

Sawirro+Warbixin: Guulaha Safarkii Wafdigii D. F. Somalia ee Qatar

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda Tadamun

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda Tadamun

May 28, 2022
0

Wafdi ka socda Hay'adda Wadaniga ah ee Tadamun oo ka shaqaysa arrimaha bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Howlaha Gargaarka iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

May 28, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Qatar u...

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha oo la kulmay Danjire Kate Foster

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha oo la kulmay Danjire Kate Foster

May 28, 2022
0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la...

Ergayga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaarah oo kulan la qaatay James Swen

Ergayga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaarah oo kulan la qaatay James Swen

May 28, 2022
0

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In