Sunday, May 22, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawirro+Warbixin: Guulaha Safarkii Wafdigii D. F. Somalia ee Qatar

December 5, 2017
in Wararka
0
Sawirro+Warbixin: Guulaha Safarkii Wafdigii D. F. Somalia ee Qatar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Marka: Dhagarqabe argagixisada u qaabilsanaa miinooyinka oo gacanta lagu dhigay

Marka: Dhagarqabe argagixisada u qaabilsanaa miinooyinka oo gacanta lagu dhigay

May 21, 2022
Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

May 21, 2022
Wasiirka wasaaradda waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya  Cabdiraxmaan Daahir Cismaan iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Booqasho Rasmiya oo Saddex Maalin Qaadatay  ku tegay magaalada Dooxa ee Caasimada dalka Qatar.
Wafdiga Wasiirka waxaa ka mid ah Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Soomaaliya  Ururka waxbarashada ee Jaamacada Carabta iyo Ururka Islaamka   Cisaam Xuseen Jaamac.
La taliyaha Wasiirka ee Waxbarashada   Cali sheekh Axmed ,  Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada   Xasan Cali,  Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda Maxamed Jimcaale ,   agaasimaha  Waaxda Qorshaynta  ee Wasaarada Khadiija Jimcaalle iyo Xoghaynta  Wasiirka  Maariya Sakariye Axmed .
Wafdiga ayaa  la kulmay    Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dawladda  Qadar   Maxamed Xamaadi iyo Madaxda Wasaarada ,  Waxayna ka wada hadleen   Dar-dar gelinta Heshiiskii  ay horay labada dal u Saxeexdeen Sanadii 2015 kaasi oo ku saabsan Waxbarashada, Tacliinta Sare iyo Cilmi baadhista, iyadoona hada lagu    Lagu kordhiyey  Farsamada.
Wafdiga Soomaaliya ayaa soo bandhigay Mashaariic ku saabsan dhinaca Horumarinta, Waxbarashada  iyo Tacliinta Sare  kuwaasi oo ay doonayaan in laga caawiyo, Iyadoona oo labada dhinac ay isku Afgarteen.
Dhinaca kale Wafdiga DF-Somalia ayaa Kulan la  Qaatay  Agaasimaha guud ee Sanduuqa horumarinta ee Qatar   Khalifa Jassim Al kuwari,   iyo Madaxa Hay’ada Qatar  Khayriya  Yuusuf Al-kawari , Sidoo kalana  waxay Booqasho ku tageen    Jaamacadda  Xamad Bin Khaliifa.
Wasiirka wasaaradda waxbarashadda, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya  Cabdiraxmaan Daahir Cismaan  ayaa sheegay in dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen Labada Dawladdood laga gaadhay guulo la taaban karo “Waxaanu ka wada hadalnay oo isla garanay Fulinta Heshiisyadii Hore,   waxaana u sheegnay in Soomaaliya  ku socoto Marxalad Horumarineed, oo aanu ka gudubnay  Xaaladii Bini’aadanimo ”  ayuu yidhi Wasiirka.
Wafdiga   ka socday Dawladda Soomaaliya  ayaa  kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qadar,   Waxayna Bogaadiyeen dedaalada kala duwan ee Jaaliyadu ay samaysay,  iyagoo uga  Warbixiyey  Xaalada dalka Soomaaliya Marayo Xiligan, Dedaalada kala duwan ee Dawladdu ay wado  iyo Waxyaabaha uga Qabsoomay Safarka ay ku yimaadeen Dalka Qadar.
Ugu danbayntii Wafdiga ayaa siwayn ugu mahad celiyey Sii Hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Qatar Mukhaar Cali Yuusuf iyo Masuuliyiinta Safaarada oo siwayn u garab istaagay.
W/D: Axmed Cabdiqaadir Ismaaciil ( Ahmed Darwiish )
Previous Post

Daawo Sawirro+Taliska ciidanka X.D.S. oo sheegay in ay heleen xog la xiriirta horjoogaha ugu sarreeya Al shabaab

Next Post

Akhriso: isku aadka ciyaaraha maamulgoboleedyada oo la soo saaray

Next Post
Akhriso:  isku aadka ciyaaraha maamulgoboleedyada oo la soo saaray

Akhriso: isku aadka ciyaaraha maamulgoboleedyada oo la soo saaray

Marka: Dhagarqabe argagixisada u qaabilsanaa miinooyinka oo gacanta lagu dhigay

Marka: Dhagarqabe argagixisada u qaabilsanaa miinooyinka oo gacanta lagu dhigay

May 21, 2022
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa caawa waxa ay howgal ka sameyeen magalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Howlgal ka ayaa...

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

May 21, 2022
0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugu laabtay caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb,...

Madaxweynaha Dalka oo qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Madaxweynaha Dalka oo qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

May 21, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Amb. James Swann oo ka wada hadlay isbedelka dalka ka dhacay

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Amb. James Swann oo ka wada hadlay isbedelka dalka ka dhacay

May 21, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur   (Madoobe) oo maanta kulan  la qaatay Wakiilka Xog-hayaha Guud...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In