Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saxaafadda gaarka loo leeyahay oo talooyin ka soo jeedisay shirka Qaran ee Warbaahinta Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shir weynaha Qaran ee Warbaahinta oo maanta lagu wado in lagu soo gabagabeeyo Magaalada Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Qaran ee Warbaahinta ee ay ka qeyb galayaan wasiiro ka socda dowlad-goboleedyada iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo hay’ado caalami ah isla markaana ay qabanqaabisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa maalintiisii labaad galay, ayadoo la filayo in maanta la soo gabagabeeyo.

Qeybaha warbaahinta ayaa maanta yeeshay doodo gaar gaar ah oo ku saabsan xaaladaha ay ku sugan yihiin warbaahintu iyo talooyinka ay qabaan ee ku saabsan in lagu horumariyo saxaafadda Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Madaxda iyo wakiillada ka socda hay’adaha warbaahineed ee gaarka loo leyahay ayaa dood ay yeesheen ku gorfeeyay caqabadaha oo ku tilmaameen;

  • Baaahi dhinaca tababarka ah
  • Wariyeyaasha oo aan siinin Xogta ay u baahan yihiin.
  • Baahi Qalab
  • Baahi Dhaqaale ama mushaar la’aan iyo
  • Tababarro soo noqnoda oo aan baahida warbaahinta waafaqsanayn

Wakiillada saxaafadda ayaa soo sidoo kale soo jeediyay Qodobbo ay isla garteen oo ay dowladda dhexe, dowladaha xubnaha ka ah iyo hay’adaha taageera warbaahinta u jeediyeen, qodobbadaas ayaa ahaa;

  1. In la helo istiraatiijiyad heer qaran ah oo ka tarjunta baahida warbaahnta dalka, si taageerayasha caalamiga ah iyo kuwa ka faa’iideysanaya ay isu fahmaan.
  2. In la ixtiraamo xoriyadda saxaafadda isla markaana ammaanka saxafiga ay ilaaliyaan dowladuhu.
  3. In la sameeyo Madal Qaran oo warbaahnta Soomaaliyeed mideysa, isla markaana xaqiijisa wada-shaqeynta iyo midnimada saxafiyiinta.
  4. In la dadajiyo sharciga saxaafadda ee baarlamaanka hor-yaalla, waxna laga beddelo qodobbada qaar ka hor inta aan la ansixin. Qodobbada walaaca leh waxaa ka mid ah Shuruudda wariyaha.
  5. In dib loo eego Sharciga la dagaallanka argagixisada oo ay ku jiraan qodobbo saxaafadda halis ku ah, sida in lala wareegi karo xarumaha warbaahineed.
  6. Saxafiyiinta xiran in la sii daayo.
  7. In la tayeeyo lana badbaadiyo AFKA Soomaaliga, Warbaahinta iyo xafiisyada dowladdaba.
  8. Kaalinta haweenka ee warbahinta in la xoojiyo, lana siiyo dowr hoggaamineed.

Wasiirka warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir, ayaa tilmaamay in qodobbada ay soo jeediyeen warbaahinta gaarka loo leeyahay ayay yihiin kuwo in wax laga qabto ay tahay, isagoo tilmaamay in sharciga saxaafadda ee baarlamaanka horyaalla iyo qorshe guud in loo sameeyo warbaahinta ay ka jawaabi doonaan inta badan baahiyaan.

Sharciga saxaafadda ayaa daaweynaya sida uu wasiirku sheegay caqabadaha saxaafadda haysta sida Mushaar la’aanta ay ku shaqeeyaan wariyeyaashu, Xogaha ay helaan, Tababarro in la siiyo iyo in la ogaado qofka wariyeha ah. Ayadoo ilaalinta ammaanka wariyeyaasha ay tahay xuquuq lagu leeyahay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in qorshe cad oo faahfaahasan loo sameyn doono warbaahinta Soomaaliyeed, taas oo horseedi doonta in si wanaagsan looga faa’iideysto taageerada ay hay’adaha caalamiga ahi siinayaan warbaahinta.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in sidoo kale loo bahan yahay in saxaafadda Soomaaliyeed ay ka shaqeyso nabadda, waddaniyadda iyo wacyigelinta bulshada, ayadoo la sameynayo siyaasad qaran oo lagu wajahayo arrimahaas.

Sharciga saxaafadda ayuu sheegay wasiirku inuu marayo heer aysan xukuumaddu waxba ka qaban Karin, oo uu baarlamaanka horyaallo, hase yeeshee ay 15 maalin oo dheeraad ah ay ka codsan doonaan baarlamaanka si dowlad-goboleedyadu ay talooyin kale ugu soo daraan, fursaddaas oo uu rajaynayo in ay baarlamaanku ka aqbalaan. Haddii aysan taa dhicin, wuxuu sheegay wasiirku in sharcigaan wax laga beddeli karo xataa marka la ansixiyo kaddib, laakin ay lagama maarmaan tahay in la helo sharci ay ku shaqeyso warbaahntu.

Gelinka dambe ee maanta ayaa la filayaa in shirkaan la soo gabagabeeyo, ayadoo laga soo saaryo war-murtiyeed.

Previous Post

   Zenit oo u dhaw in ay gaarto Record kooxo fara badan ay ku fashilmeen

Next Post

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland oo la kulmay Madaxa Hay’add Care

Next Post
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland oo la kulmay Madaxa Hay’add Care

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland oo la kulmay Madaxa Hay'add Care

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In