Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta, Mudane Mahdi Sheekh Cabdullaahi ayaa manta ka qeyb galey shir ay ku wehelinayeen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha arimaha gudaha, caafimadka iyo Waxbarashada iyo mas’uulin kale oo ka socdey Xafiiska Raisul Wasaaraha.
Shirkan oo muhiimad kaar ah lahaa ayaa looga hadley horumarka iyo xasilinta meelaha laga xoreeyay khawarijta.
Shirka waxaa ka soo qeybgaley wakiilo ka socda Qaramada Midoobay, WHO, IOM, NIS foundation iyo USAID.
Agaasime Guud Mahdi Sheekh ayaa shirka ka sheegay doorka ay Wasaaraddiisu ka qaadaneyso horumarka meelaha Khawaarijta laga xooreeyay, waxa uu sheegay in ay Banginga Addunka ka wada shaqaynayaan dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha magaalooyinka la xoreeyay,
Banginga Aduunka iyo Wasaaradda Howlha Guud ayaa hadda bilaabaya daraasad lagu qiimaynayo baahida loo qabo dhismaha kaabayaasha daqaalaha deegaanada ay khawaarijtu ragaadisay, waxaana la filayaa in natiijada daraasadan ay soo bixi doonto bilowga sanadka cusub Insha Allah.