Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Senator Ayuub Ismaaciil oo Mareykanka kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Awdal+sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Senator Ayuub Ismaaciil oo Mareykanka kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Awdal+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Gobolka Awdal, kuna nool Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa maanta xaflad soo dhoweyn ah waxa ay u sameeyeen Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo booqasho shaqo ku jooga dalka Mareykanka.

Xafladda oo lagu qabtay “Days Hotel” kana qeybgaleen dad indheergarad ah oo ka kala tirsan qeybaha kala gedisan ee bulshada, ayaa Senator Ayuub waxa uu ka hadlay dhibaatooyinka la soo gudboonaaday gobolka Awdal iyo taariikhda Magaalooyinka Zeylac, Borama iyo kuwa kale oo ku teedsan xeebta Badda Cas, isagoo xusuusiyay in daadadkii ku rogmaday dhowaantan deegaanno ka tirsan dhulkaasi ay horseedeen burbur lixaad leh oo sii murjiyay xaaladdii horumar la’aaneed ee hore u jirtay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026

Senator Ayuub ayaa ku booriyay qurbajoogta Awdal inay u istaagaan horumarinta, maalgeshiga iyo dib u dhisidda gobolka, isagoo farta ku goday laga maarmaanshaha in ilaha ganacsiga gobolkaasi dib loo soo nooleeyo, taasi oo ay ugu horreyso dekadda iyo garoonka, iyadoo gobolkaasi uu ahaa marin ganacsi oo wadamada Soomaaliya, Itoobiya, Yemen iyo Hindiya ay wax isku weydaaran jireen.

Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa sidoo kale ka sheekeeyay qorshayaasha dowladda ee taabagelinta Nabad iyo Nolol, taasi oo uu xusay inay xoojinayso hindisaha wadahadal ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay kula jirto Somaliland oo dib u bilaaban doono waqti dhow.

Previous Post

Macalinka Banaadir SC Hussein Mbalangu oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post

Wasiirka Boostada oo daahfurey Xarunta Internetka iyo isku xirka Jamacaddaha dalka “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Boostada oo daahfurey Xarunta Internetka iyo isku xirka Jamacaddaha dalka “SAWIRRO”

Wasiirka Boostada oo daahfurey Xarunta Internetka iyo isku xirka Jamacaddaha dalka "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
0

  RADIO MUQDISHO:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In