Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

Koonfur Galbeed

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
5 months ago
in Wararka
0
Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Shacabweynaha deegaannada Koonfur Galbeed waxaa si rasmi ah saakay uga bilowday doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka.

Dadweynaha ku nool Koonfur Galbeed ayaa saakay u dareeray goobaha codbixinta ee loo asteeyay doorashada oo ka dhaceyso 13- degmo oo ka kala tirsan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Baydhabo ayaa ku dhawaaqey in si rasmi ah ay u bilowdeen doorashooyinkii isku sidkanaa ee Koonfur Galbeed.

Golaha Wakiillada;-
15 Urur Siyaasadeed
394 Musharrax,322 Rag ah,72 Dumar ah

Golaha Deegaanka;-

18 Urur Siyaasadeed
13 Degmo
1,297 Musharrax
1,022 Rag ah
275 Dumar ah

Cumar Abubakar Cumar (Cadaani), oo xubin ka ah Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa sheegay in dhammaan goobihii loo asteeyay codeynta ee degmada Afgooye ay si habsami leh uga socoto doorashadu.

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Buurhakaba Cabdi Maxamed Xaaji oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa yiri:- โ€œDoorashadu waxay u socotaa si caddaalad ah, bulshada codkooda dhiibanayane amaankooda si wamaagsan ayaa loo sugay.โ€

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed ayaa warbaahinta Qaranka la hadlay isaga oo ku jira safka codbixiyaasha ayaa dhankiisa sheegay si habsami leh ay u socoto codeynta shacabka degmada xudur.

Wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka ee ku sugan dhammaan degaannada ay doorashadu ka socoto ayaa soo sheegaya in si habsami leh uga bilaabatay goobaha qaar doorashada isku sidkan ee Wakiillada iyo Golaha Deegaanka,shacabkana ay u dareeren sidii ay codkooda u dhiiban la hayeen.

Shacabka reer Koonfur Galbeed ayaa maanta qoraya taariikh cusub, iyadoo muddo ka badan 57 sano kadib markii ugu horreysay ay si toos ah uga qeybgalayaan doorasho qof iyo cod ah, si ay u doortaan hoggaanka ay doonayaan.

Previous Post

DAAWO SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

Next Post

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

Next Post
Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas'uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

October 15, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In