Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shaqaalaha Xafiiska R/Wasaaraha oo Sagootiyay Xildhibaan Cabdicasiis Cabdilaahi Yuusuf (Dhago-qool)+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Shaqaalaha Xafiiska R/Wasaaraha oo Sagootiyay Xildhibaan Cabdicasiis Cabdilaahi Yuusuf (Dhago-qool)+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha DFS Mudane Caadil Sheegaw Sagaar ayaa maanta ka qayb-galay Munaasibad lagu sagootinayay Xildhibaan Cabdicasiis Cabdulaahi Yuusuf (Dhago-qool) oo hore u ahaa Agaasimaha Siyaasadda ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Xafladaan oo ay soo qaban qaabisay Waaxda Shaqaalaha XRW oo ey ka soo qeyb galeyn Mas’uuliyiin iyo Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha XRW Mudane Maxamed Jaamac Yuusuf oo ka waramay shirka ujeedkiisa in uu yahay sagoodinta Xildhibaan Cabdicasiis waxa uuna ku sifeeyay in uu ahaa Xildhibaan C/casiis mudadii uu xilka Agaasimaha hayay waxunu si gaar ah ugu tilmaamay in uu ahaa Agaasime naxariis iyo dulqaad badan u lahaa shaqaalihiisa iyo dadka kale oo ey wada shaqeynayeen.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

Maxamed Yuusuf Aadam Ku-Xigeenka Xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee dhinaca Maamulka ayaa u hambalyeey Xildhibaan C/casiis C/laahi kulana dardaarmay in xilka cusub ee loo igmaday masuuliyad iska saaro, shaqaalahana wuxuu ku booriyay inay shaqada xafiiska oo ah muraayada dalka masuuliyaad gaara iska saaraan.

Xildhibaan Cabdicasiis C/laahi Yuusuf oo 25-January 2016 loo dhaariyay jagada Xildhibaanimada ayaa uga mahad celiyay xaflada sagootinta ah ee u sameeyeen agaasimayaasha iyo shaqaalaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo uu hore uga tirsanaa.

Gabagabdii kulankan oo ay shaqaale badani u mahadceliyeen agaasimahoodii hore ayaa waxaa soo xiray Wasiiru-Dawlaha Xiriirka Baarlaamaanka ee XRW Mudane Caadil Sheegaw Sagaar oo ka waramay shuruucda shaqaalaha gaarka u ah iyo sida ay mihiimka u yihiin in lagu dabaqo Shaqada iyo masuuliyada ay qaranka u hayaan, waxaanu xildhibaanka ugu duceeyay in ILAAHAY xilka ku asturo.

1 2 unnamed

Previous Post

Doorashada Xubanaha Golaha Deegaanka Dagmada Galkacyo oo Lasoo Gaba Gabeeyaya “ Sawiro”

Next Post

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sii jeeda Hobyo

Next Post
Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sii jeeda Hobyo

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sii jeeda Hobyo

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In