Monday, August 15, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Shaqada oo tababar loo furay

December 21, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad tababar loogu furayay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo ay ka qeyb galeen siiyaha Wasiirka Shaqada, Xildhibaanno, agaasimeyaal guud oo ka socday qaar ka mid ah Wasaaradaha dowladda iyo marti sharaf kale ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Tababarkan oo socon doono muddo bil ah, isla markaana loo qabtay 26 shaqaale ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda shaqada iyo Machadka tababarka iyo Cilmi baarista ee Benaadir Gate.

Related posts

Madaxweynaha Dalka Oo Magacaabay Ergeyga Gaarka Ah Ee U Qaabilsan Dalladda Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha Dalka Oo Magacaabay Ergeyga Gaarka Ah Ee U Qaabilsan Dalladda Bulshada Bariga Afrika

August 14, 2022
Sawirro: Xaflad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyay XFS

Sawirro: Xaflad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyay XFS

August 14, 2022

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Aweys Sheekh Xadaad oo ka hadlay furitaanka tababarka ayaa ka codsaday Shaqaalaha nasiibka u yeeshay inay tababarka ka qeyb qaatan ay waqtiga ilaaliyaan, isla markaana ay ka faa’iideystaan casharada lagu bixin doono muddada uu tababarka socdo.

Xildhibaan Maxamed Cali Daheeye oo isna goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in tababarka uu kor u qaadayo aqoonta shaqaalaha Wasaaradda, isagoo ku booriyay Madaxda Wasaaradda in la joogteeyo tayeynta aqoonta shaqaalaha Wasaaaradda.

Siihayaha Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ee Soomaaliya mudane Luqmaan Ismaaciil Maxamed oo furay tababarka ayaa xusay in Wasaaraddu ay dadaal ugu jirto kobcinta aqoonta shaqaalaha Wasaaradda, waxaana uu kula dar daarmay howla wadeenada tababarka ka qeyb galaya in ay shaqadooda ku dabaqaan waxyaabaha ay bartaan.

Previous Post

Culimada Galdogob oo ku baaqay in laga qayb qaato Dhismaha Dugsiga Hooyo ee Galdogob “SAWIRRO”

Next Post

Siihayaha Wasiirka Caafimaadka oo la kulmay hay’ado ka socda Qaramada Midoobay

Next Post

Siihayaha Wasiirka Caafimaadka oo la kulmay hay’ado ka socda Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Dalka Oo Magacaabay Ergeyga Gaarka Ah Ee U Qaabilsan Dalladda Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha Dalka Oo Magacaabay Ergeyga Gaarka Ah Ee U Qaabilsan Dalladda Bulshada Bariga Afrika

August 14, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya qorshaha ka mid noqoashada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, ayaa u...

Sawirro: Xaflad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyay XFS

Sawirro: Xaflad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyay XFS

August 14, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu taageerayey Xukuumadda oo ay soo...

Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Guddoomiyey Kulan Howleedka Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Guddoomiyey Kulan Howleedka Waaxyaha Wasaaradda

August 14, 2022
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi limaan Cige, ayaa maanta guddoomiyey kullan is xog-wareysi ah,...

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Shir Guddoonshay Kulanka Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Shir Guddoonshay Kulanka Golaha Wasiirada

August 14, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta guddoonshay shirka golaha Wasiiradda hirshabeelle.Shirka golaha, ayaa looga hadlay arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In