Sunday, March 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shiinaha oo kor uqaadayo saameynta dhaqaalaha iyo maalgashiga Afghanistan

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Shiinaha oo kor uqaadayo saameynta dhaqaalaha iyo maalgashiga Afghanistan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa Khamiistii gaaray caasimadda Afgaanistaan ee Kabul, isagoo la kulmay mas’uuliyiin uu ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Taalibaan Amir Khan Muttaqi.

Maamulka Taalibaan ee Afgaanistaan ayaan weli laga aqoonsan caalamka, hase yeeshee booqashada wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha ee Kabul ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah Taalibaan.

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

March 22, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

March 22, 2026

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Taaliban Abdul Qahar Balkhi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in marka laga soo tago arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha, kulankan looga hadlay doorka Afghanistan ee mashruuca Belt and Road ee Shiinaha iyo arrimo kale oo labada dhinac ah.

Wang Yi, ayaa gaaray magaalada Kabul kadib markii uu magaalada Islamabad kaga qeyb galay shir laba maalmood socday oo ay lahaayeen Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC.

Sida laga soo xigtay Abdul Qahar Balkhi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa booqasho ku tagay Kabul ,si uu ugala hadlo maalgashiga macdanta, tamarta iyo aagagga dhaqaalaha ee Afgaanistaan ​.​”Beijing waxay haysataa fursad ay ku kordhiso saameynta ay ku leedahay Afgaanistaan”. Ayuu yiri Abdul Qahar.

Wang Yi waa masuulkii ugu sarreeyay oo Shiine ah oo booqda Afgaanistaan tan iyo markii ay Taalibaan qabsadeen magaalada Kabul bishii Ogosto ee sanadkii hore.

Booqashada Wang Yi ee Kabul ayaa imaaneysa, xilli Shiinahu uu martigelin doono shir ay isugu imaanayaan diblamaasiyiin sarsare oo ka socda dalalka dariska la ah Afgaanistaan oo ka dhici doona magaalada Beijing dhammaadka bishan, kaas oo looga hadlayo xaaladda Afghanistan.

Tags: Shiinaha oo kor uqaadayo saameynta dhaqaalaha iyo maalgashiga Afghanistan
Previous Post

Dowladda Itoobiya oo TPLF ka dalbatay xabad joojin

Next Post

Wasiir Beyle oo khudbad ka jeediyay Jaamacadda Georgetown ee Mareykanka

Next Post
Wasiir Beyle oo khudbad ka jeediyay Jaamacadda Georgetown ee Mareykanka

Wasiir Beyle oo khudbad ka jeediyay Jaamacadda Georgetown ee Mareykanka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalku uu...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay odayaasha...

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Mozumbique):-Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aaden Cadde International Airport, iyagoo ka...

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden, Cabdikarin Axmed Maxamed, ayaa toddobaadkan waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In