Muqdisho (RM): Shir deg deg ah oo looga Arinsanayo Diyaar-garoowga ka Hortaga Covid-19 oo u dhexeeya Wasaarada Caafimaadka Galmudug iyo Hay’adaha Caafimaadka, Nafaqada iyo Nadaafada ee Galmudug ayaa hada ka furmay Magaalada Dhusamareb.
Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka Galmudug Dr C/wali Axmed Maxamuud ayaa Shirkan furay waxa uuna sheegay ina ujeedkiisu yahay sidii loo sameyn lahaa ka hortag looga Gaashaamanayo Faafitaanka Caabuqa karoona Feyrus Maadaama Kiiskii ugu Horeeyey laga Diiwaan galiye dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Agaasimuhu wuxuu sheegay in la diyaarinayo Koox Caafimaad oo Magaalada Muqdisho u aadi doona Tababar si loo sameeyo ka hortaga Faafintaanka Cudurka Caalamka sameeynta ku yeeshay ee Covid-19 waxaana uu intaa ku daray in Dhowaan Qalabka Baaritaan la soo gaarsiin doono Galmudug.
kala soco halkaan wixii ka soo baxo shirka ka socdo Dhuusamareeb oo loogu hadlayo saameynta Cudurka Caroona oo kiiskiisi ugu horeeyay laga diwaan geliyay dalka