Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa ka qeybgalay Shir ka Dhacay Magaalada kuala lumpur ee dalka Maleysiya oo dalalka ku teedsan Badweynta Hindiya ay kaga hadleen ammaanka badweynta, ka ganacsiga Badeecada Sharcidarrada ah iyo Tahriibinta Dhallinyarada.
Pro. Nuur Kaafi oo ah madaxa daraasaadka amniga iyo diblumaasiyadda ayaa sheegay in shirkaan uu ahaa kii ugu horreeyay oo ay isugu Yimaadeen madaxda dalalka kulaala badweynta Hindiya iyadoo la gaaray heshiis hordhac ah taas oo muhiimadeeduna tahay in la gaaro heshiis Rasmi ah oo la gaari doono shirkaan kan xiga oo ay wada saxiixayaan Dowladaha kuleela badweyntaan, iyadoo ay horey u jireen dalal ku Bohoobay Badweynta Baasifiga ah.
Dhanka kale Shirka ayaa looga hadlay Ka Hortagga Badeecooyinka sharcidarrada ah kaas oo saameeyay Badweynta Hindiya Sida Tahriibinta Dhallinyarada, Kalluumeysiga Sharcidarrada ah, ka ganacsiga kheyraadka aan saxda ahayn iyo qodobo kale oo Arrimahaan la xiriira.