Shirka khubarada tamarta waarta ee dalka ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha ee Dowlada Soomoaliya oo kaashanaysa heyโadda Qaramada Mioobay u qaalisal horumarinta Mashaariicda ee UNDP.
Ujeedada shirkan ayaa ah sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ku hor gudban ย in maalgashi lagu sameeyo tamarta dalka Soomaaliya
Furitaanka shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka biyaha Xukuumadda FederaalkaSoomaaliya Mudane Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka howlaha guud Mudane Saadiq, C/llaahi Cabdi Wakiilka Qm Micheal keating iyo xubnaha labada aqal gaar ahaan gudiyada dhanka Khayraadka,ganacsato iyo Wasiirada kale ee Dowlada Goboleedyada.
Shirkan oo socon doono muddoย labo maalmood ah ayaa inta uu socdo lagu lafagurayaa sida ugu sahlan ee loo maalgelinkaro Tamarta Dalka uu leeyahay,iyadoo sidoo kale ay goob joog ka yihiin qubaro ka socoda QM ee dhinaca khayraadka.