Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlay kaarka Aqoonsiga Soomaaliya oo ka dhacay Imaaraadka Carabta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlay kaarka Aqoonsiga Soomaaliya oo ka dhacay Imaaraadka Carabta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir ka dhacay magaalada Dubai ee Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa soo qaban qaabisay qunsuliyadda Soomaaliya ee Dubai, kaasi oo ay ka qeyb galeen ganacsato, Mas’uuliyiinta Safaaradda iyo xubno kale.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026

Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii ganacsatadu ugala shaqyan lahaayeen Dawladda Soomaaliya qaadashada kaarka Aqoonsiga Dhalashada ee (National ID), kaasi oo muhiimad gaar ah u leh muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Dalka Imaaraadka Carabta ku nool.

Safiirka Soomaaliya  u fadhiya Imaaraadka  Mudane Axmed Global oo ugu horeyn ka hadlay shirka ayaa sheegay in kulanka uu yahay mid lagu doonayo in lagu hirgeliyo mashruuca qaadashada kaarka Aqoonsiga.

“Mashruucan muddo sanad ah ayuu soo socday, waxaana ugu looga hadlay sida lagu hirgelin karo mashruuca kaarka Aqoonsiga, waxaa la qorsheeyay in qofkasta oo Soomaali ah loo helo kaarka aqoonsiga oo muujieysa, waxaana faa’iidooyinka ka mid ah in qofkasta uu sameysan karo account bak, in qofka uu helo waxyaabaha aas aasiga u ah nolosha beni’aadamka” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Danjire Axmed.

Gancsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Imaaraadka ayaa goobta ka jeediyay baahiyaha ay u qabaan kaarka Aqoonsiga dhalashada ee Qaran (National ID), iyagoo tilmaamay in kulanka ay waxbadan isku dhaafsadeen ganacsatada iyo mas’uliyiinta ka qeyb gashay

Gabagabadii Madaxa Istaraatiijiyadda Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna u qeybsanaha Barnaamijka Kaarar Aqoonsiga ee digitaalka ah Mudane Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa sheegay in mashruucan uu lagama maar maan u yahay ganacsatada, maadaama ay adeegsadaan xawilaadda, taasi oo u sahleysa in qofka uu helo kaarka aqoonsiga dhalashada, isla markaana uu noqdo qof la aqoonsanyahay.

“Muddo ka badan sanad ayaan soo wadnay howshan, Kaarka aqoonsiga waxaa kaloo uu naga anfacayaa Dowladnimada Qaranka, oo ah aruurinta cashuuraha, taakuleynta bulshada, arrimaha amniga ” ayuu yiri Dr Nuur.

Previous Post

Guddoomiye Yarisow oo Ankara kaga qeyb galay Shirka Guud ee Midowga Caasimadaha Adduunka “SAWIRRO

Next Post

Dowladaha Soomaaliya iyo Jarmalka oo ka wada hadlay horumarinta Waxbarashada iyo Caafimaadka “SAWIRRO”

Next Post
Dowladaha Soomaaliya iyo Jarmalka oo ka wada hadlay horumarinta Waxbarashada iyo Caafimaadka “SAWIRRO”

Dowladaha Soomaaliya iyo Jarmalka oo ka wada hadlay horumarinta Waxbarashada iyo Caafimaadka "SAWIRRO"

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In