Friday, January 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayo Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka Oo Lagu qabtay Muqdisho+sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayo Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka Oo Lagu qabtay Muqdisho+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa shir gudoomiyey Shirka kaabayaasha dhaqaalaha Dalka oo Saddexdii biloodba mar Lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Waxaa kasoo qayb galay Wasaaradaha Ku midaysan Madasha Kaabayaasha dhaqaalaha ee kala ah Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasaaradda Tamarta & Khayraadka Biyaha, Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada, Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta, Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda, Wasaaradda Maaliyadda, Xafiiska Ra’isal Wasaaraha, Xubno ka socday Maamul Goboleedyada Dalka, Madaxda Haayadaha Qaramada Midoobay & Wadamada Taageera Soomaaliya Oo ay kamid ahaayeen Italian Coorperation, World Bank, African Development Bank, UNDP, UNOPS, & UN-Habitat.

Related posts

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026

Shirka ayaa waxaa looga Wada Hadlay Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka, Dhegaysiga Warbixinada Waxaayabahii Qabsoomay, Mashaariicda qabyada ah & Sidii loo dhamaystiri lahaa.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow oo shirka daahfuray ayaa yiri “Kaabayaasha dhaqaaluhu waa wadadii horumarka run ahaantii Waxay inaga caawinayaan Nabad galyada oo muhiimada gaar ah inoo leh, waxay inaga caawinayaan shaqaalaysiinta oo iyadana muhiim ah sabatoo ah inkabadan 70% bulshadeena waa dhalinyaro, Waxay inaga caawinayaan Baahinta Adeegga Dowladda, Markaan haysano Waddooyin wanaagsan Adeeggyada Dowladduna waxa ay gaarayaan meelo aysan hadda gaari karin, Waxay inaga cawinayaan Ganacsiga gudaha dalka & Isku xirka kan Gobolka, Marka Kaabayaasha Dhaqaaluhu aad ayey muhiim ugu yihiin horumarka Dalka”

Shirkan ayaa Saddexdii biloodba mar laqabtaa Waxaana looga arinsadaa Mashaariicda Kaabayaasha dhaqaalaha Dalka waxaana ku kulma Dowladda Soomaaliya, Hay’adaha Caalamiga ah, & Deeq bixiyeyaasha.

Previous Post

Aqoon iswaydaarsi u socday Xafiisyada Amniga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed oo lasoo Gabagabeeyay “Sawirro”

Next Post

Qaar kamid ah Shaqaalaha Warfaafinta oo Aqoon kororsi loo soo xiray “Sawirro”

Next Post
Qaar kamid ah Shaqaalaha Warfaafinta oo Aqoon kororsi loo soo xiray “Sawirro”

Qaar kamid ah Shaqaalaha Warfaafinta oo Aqoon kororsi loo soo xiray "Sawirro"

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan...

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahab Cabdi Cumar (Cananuug), oo la hadlay Warbaahinta Qaran...

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

January 15, 2026
0

Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa qaabilay Faarax Sheikh Cabdulqaadir Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ahna Wasiirka Waxbarashada XFS, kaasoo farriin...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

January 15, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In