Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga tashanayay qorshaha horumarinta biyaha Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb+SAWIRRO

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Shir looga tashanayay qorshaha horumarinta biyaha Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkaan oo ahaa mid looga tashanayay qorshaha horumarinta biyaha Galmudug ayna soo qaban qaabisay wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha maamulka Galmudug ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socda xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka,wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha XFS,dadka ka shaqeeya biyaha iyo waraabka beeraha iyo maamulka magaalda Dhuusamareeb ayaa lagu qabtay caaimadda Galmudug.

Agaasimaha waaxda biyaha Soomaaliya Axmed Maxamed Xasan ayaa sheegay in qorshahani yahay mid lagu horumarinayo kheyraadka biyaha dalka, la tashina lagala yeelan doono dadka ka shaqeeya arrimaha biyaha.

Related posts

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026

Guddoomiye ku xigeenka arirmaha bulshada magaalada Dhuusamareeb C/xakiin Cabdullaahi Warsame ayaa xusay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan mashruucaan hormarinta biyaha.

Wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha dowlad goboleedka Galmudug Maxamuud Cabdi Axmed ayaa sheegay in shirkaan muhiimad gaar ah uleeyahay, isagoo sheegay in qeyb weyn uu ka qaadan doono horumarinta biyaha, wuxuuna xusay in ay ku casuumeen dadka ay arrimahani quseeyaan.

Mashruucaan ayaa hadduu dhaqan galo noqon doono mid ay ku mahdiyaan dadka ku nool deegaannada Galmudug oo qaarkood aysan helin biyo nadiif ah oo ku filan.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyeeysay geerida Allaha u naxariistee Dr. Xaawo Cabdi

Next Post

Akhriso: Tariikhda kooban,Allaha u naxariistee Dr. Xaawo Cabdi

Next Post
Akhriso: Tariikhda kooban,Allaha u naxariistee Dr. Xaawo Cabdi

Akhriso: Tariikhda kooban,Allaha u naxariistee Dr. Xaawo Cabdi

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHAB):-Qaar ka tirsan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhaba, ayaa maanta kulamo kala duwan kula qaatay...

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba...

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah Odayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In