Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir madaxeedkii IGAD ee 32-aad oo la soo gabogabeeyay+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Shir madaxeedkii IGAD ee 32-aad oo la soo gabogabeeyay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeybgalay Shirka 32aad ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD kaasoo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada isku haya South Sudan.

Shirkan aan caadiga ahayn oo dib loogu soo nooleynayo wada hadallada Madaxweynaha South Sudan Mudane Salva Kiir Mayardit iyo Madaxweyne K/Xigeenkiisa hore Mudane Riek Machar ayaa Madaxda IGAD waxa ay dadaal dheeri ku bixinayaan sidii looga mira dhalin lahaa.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la qaadatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Pakistan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la qaadatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Pakistan

July 12, 2026
Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee hoggaanka bulshada Galmudug

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee hoggaanka bulshada Galmudug

July 12, 2026

Madaxweynaha oo shirka keddib kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa South Sudan Mudane Salva Kiir Mayardit ayaa ku bogaadiyay labada dhinac sida ay u aqbaleen in ay soo fariistaan miiska wada hadallada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay garab taagantahay walaalaha South Sudan sidii ay uga bixi lahaayeen kala qeybsanaanta iyo dagaallada, wuxuuna kula dardaarmay in ay labada dhinac fursaddan uga faa’iideeystaan sidii dalkooda uu uga bixi lahaa dagaallada sokeeye.

“Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad ka fa’iideysataan khibradda aan ka barannay Soomaaliya oo dowlad la’aantii iyo colaadihii aan uga gudubnay isu tanaasul, wada hadal iyo is qancin. Waxaan rajaynayaa inaad idinkana jidkaas oo kale qaadaan oo aad dib ugu soo celisaan South Sudan xasillooni, wadajir iyo horumar.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Kiir ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka muuqda ee ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku tallaabsatay iyo xasilloonida siyaasadeed ee haatan ka jirta Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in ay dowladdiisu xoojineyso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya.

Dhanke kale, Madaxweyneyaasha Suudaan iyo Kenya Cumar Xasan Al Bashiir iyo Uhuru Kenyatta ayaa loo xil saaray in ay sii dardargeliyaan wada hadallada, waxaana dhammaadka bishan kulan kale oo loogu kala dab qaadayo dhinacyadan lagu qabanayaa magaalada Khartuum ee dalka Sudan.

Previous Post

Guddoomiye Yarisow oo kala hadlay horumarinta Caasimadda Injineero iyo khubaro ka socday Turkiga ”Sawirro”

Next Post

Sarkaal ka tirsan X.D.S. oo kulliyadda dagaalka ee NATO tababar ku soo qaatay ’’Sawirro’’’

Next Post
Sarkaal ka tirsan X.D.S. oo  kulliyadda dagaalka ee NATO tababar ku soo qaatay ’’Sawirro’’’

Sarkaal ka tirsan X.D.S. oo kulliyadda dagaalka ee NATO tababar ku soo qaatay ’’Sawirro’’’

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la qaadatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Pakistan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la qaadatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Pakistan

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, H.E. Amb. Marwo Khadija Mohamed Al-Makhzoumi, ayaa kulan...

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee hoggaanka bulshada Galmudug

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee hoggaanka bulshada Galmudug

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo hoggaaminaya kooxda ololaha...

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida Wariye Maxamed Diiriye

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida Wariye Maxamed Diiriye

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdulfitax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar...

Ciidamada NISA oo fuliyay howlgal lagu beegsaday labo dhagarqabe

Ciidamada NISA oo hawlgal kusoo qabtay xubno ka tirsan Khawaarijta

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay xaafadda Galmudug ee degmada Garasbaaley ka fuliyey howlgal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In