Waa madal ugaar ah haweenka oo ay kaga arrinsanayaan doorkooda ka qeyb galka siyaasada, maadama ay dalka doorasho kadhacayso horaanta 2021.
Shirka ayaa waxaa manta si rasmi ah u furay guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Baarlamaanka dalka mudane Cabdi Xaashi Cabdillhi.
Shirkaan oo ah mid sanadle ah waxaa sanadkan sigaar ah looga hadlayaa ka qeyb galka siyaasada ee haweenka iyo in hawenku ay helaan waxkabadan boqolkiiba soddon oo ah qoondo ay ku leeyihiin hugaaminta dalka.
Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan hawenka xildhibnada ah ee labada gole ee barlamaanka, ururada haweenka, wasiiro, haweenka ka socda barlamanda dowladd goboleedyada iyo guddoomiyha guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee dalka ayaa socon doona muddo laba maalin ah.
Guddoomiye guxigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka benaadir Basma Caamir Shakeeti oo kusoo dhawysay ka qeyb galayasha shirka ayaa sheegtay in maamulka gobolku uu wado qorshe ku aadan sidii haweenka dagmooyibnka ay uga qeyb gali lahaayeen doorashada dalka ka dhici doonto, haweenka Soomaliyeedna ay muhiim tahay in ay ka tashadaan doorkooda ku aadan hoggaaminta dalka.
Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Deeqa Yaasiin, ayaa hawenka ku dhiira galisy in hadii ay dadalaan ay gaari kaaraan meel wanagsan ka wasaard ahaana ay garab taagan yihiin.