Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya lagu qabtay Shirka Amniga oo shir Guddoomiyey Wasiirka Wasaradda Amniga Gudaha DGKGS Mudane Isxaaq Cali Subug ayaa waxaa looga hadlaayey xoojinta amaanka ,iyo furida wadooyinka isku xira Degmooyinka Koofur Galbeed Soomaaliya sidii Xal loogu gaari lahaa.
Ka soo qeyb-galayaasha shirka ayaa waxaa kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Booliska, Nabadsugida ,CID ,AMISOM ,Maamulka Gobolka Baay Kan degmada Baydhabo ,Maamulka Deeganka Deynuuney, Mas’uliyiin ka kala socdey Wasaradda Arrimaha Gudaha KGS iyo Hay’adaha wada shaqeynta la le koonfur Galbeed.