Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada Ee Maanta Oo Looga Hadlay Arrimo kale Duwan oo la Xiriira Amniga iyo Geedi Socodka Dastuurka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirada Ee Maanta Oo Looga Hadlay Arrimo kale Duwan oo la Xiriira Amniga iyo Geedi Socodka Dastuurka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Khamiis, August 20.2015—-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin, xaaladda amniga dalka iyo geedi socodka dib u eegista Dastuurka.

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, ayaa sharaxaad dheer ka siiyay golaha geedi socodka dib u eegista Dastuurka iyo guulaha ay rabto inay gaarto dowladda Federaalka sanada 2016, waxa uuna soo bandhigay jadwal waqtiyeysan ee howsha dib u eegista Dastuurka kaasoo lagu soo ansixiyay shirkii madasha heerka sare ee wadahadalka Muqidsho.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Golaha Wasiirada waxa ay ka wada hadleen qodobada lagu xusay mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha ee horyaala Baarlamaanka, waxaana la isla qaatay in la saxo wixii khaladaad ah ee jira, iyaga oo u xil saaray guddiga siyaasada iyo guddiga dhaqaalaha ee golaha wasiirada, si ay talo kama dambeys ah uga keenaan, dibna ugu soo celiyaan shirka dambe ee golaha Wasiirada.

Dhanka Kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Sharmarke ayaa magacaabay ergeyga gaarka ah ee Xaquuqda caruurta iyo Tahriibayaasha, waxaana loo magacaabay Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, waxayna magacaabistani ka dambeysay kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruhu tixgeliyay baahida loo qabo xoojinta iyo horumarinta xaquuqda caruurta iyo tahriibayaasha.

—DHAMAAD—

unnamed unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3)

Previous Post

Wasaaradda Waxbarashada Oo Ka Warbixisay Imtixaankii Mideysnaa Oo Ay Qaaday Dowladda

Next Post

Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Oo Booqday Baardheere Sheegayna In Uu Furanyahay Garoonka Degmadaasi “Sawirro”

Next Post
Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Oo Booqday Baardheere Sheegayna In Uu Furanyahay Garoonka Degmadaasi “Sawirro”

Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Oo Booqday Baardheere Sheegayna In Uu Furanyahay Garoonka Degmadaasi "Sawirro"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In