Friday, January 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka golaha Wasiirada Jubbaland oo maanta qabsoomay “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Shirka golaha Wasiirada Jubbaland oo maanta qabsoomay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku-xigeenka Koobaad ee Dowlad gobaleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Adaan ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horrayn Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ayaa ka warbixisay halka ay marayaan dadaalada wax lagaga qabanayo abaaraha ka jira qeybo badan ee Jubbaland kamid ah, iyadoo Wasaaradda ay sharaxaad ka bixisay qorshayaasha ay u dajisay gurmadka loo samaynayo dadka abaaraha ay sameeyeen.

Related posts

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026

Wasaaradda Xanaanada xoolaha ayaa sheegtay in xoolo ku dhow saddex kun oo neef inay u dhinteen abaarta iyo xanuuno aan la garanaynin oo ka jira deegaanka.

Wasaaradda qorshaynta iyo xidhiidhka Caalamiga ah ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabayo howlaha lagu samaynayo biyo xireeno iyo howlo lagaga hortagayo fatahaadaha uu sameeyo Wabiga Juba.

Ugu danbayntii Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabayo mashruux shaqo abuur loogu samaynayo dadka uu sameeyay ayaxa ku habsaday qeybo kamid ah Jubbaland, iyadoo qeybta ugu horraysa lagu bilaabayo todobo iyo toban kun oo qoys si hordhac ah.

 

 

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Saraakiil ka socday Arrimaha Dibadda Mareykanka

Next Post

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirada “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirada “SAWIRRO”

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirada “SAWIRRO”

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan...

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahab Cabdi Cumar (Cananuug), oo la hadlay Warbaahinta Qaran...

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

January 15, 2026
0

Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa qaabilay Faarax Sheikh Cabdulqaadir Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ahna Wasiirka Waxbarashada XFS, kaasoo farriin...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

January 15, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In