Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Mowqifka Soomaaliya ee Arrimaha Khaliijka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Mowqifka Soomaaliya ee Arrimaha Khaliijka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 21 September 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay ku-Simaha Raโ€™iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar). Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga Qaranka, Mowqifka Soomaaliya ee Arrimaha Khaliijka, Miisaaniyada 2018 iyo arrimo kale.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ugu horreyn golaha siiyey warbixin la xiriirta xaalada amniga guud, sheegeyna in hayโ€™adaha amniga ay laba jibaarayaan howlgalada xasilinta, shacabkana laga codsaday inay hayโ€™adaha amniga kala shaqeeyaan sidii dalka loo nabadeyn lahaa. Maanta oo ah maalintii nabadda, caalamkana u dabaaldegayo, ayaa Golaha Wasiiradu waxey ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in nabada la wada ilaashado, horumarka dhanka amnigana u baahanyahay in la wada xajisto.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ค๐ฎ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ง๐š๐›๐š๐๐ ๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026

Ku-Simaha Raโ€™iisul Wasaaraha ahna Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Golaha Wasiirada u sheegay muhiimada illaalinta sharciga iyo nidaamka dowladeed, ka dibna Golaha Wasiiradu iyagoo tixgelinaya xaalada dalku ku sugan yahay ayaa waxey isla garteen arrimahan ku aadan mowqifka Soomaaliya ee ku wajahan khilaafka Khaliijka Carabta:

  1. Golahu waxey si adag u ayideen mowqifkii Dawladda Federaalka ee bishii Juun 2017 ee qeexayey in Soomaaliya ay door dhexdhexaad ah ka taagan-tahay muranka wadamada khaliijka qaarkood, una aragto in khilaafka jira lagu xaliyo si nabadgelyo ah oo ay wallaaltinimo iyo diblomaasiyad ku dheehan tahay.
  2. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey ku guuleysatay wadashaqeynta Dawladda Dhexe iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka, iyadoo qabatay labo shir lixdii bilood ee ugu danbeysey, taasoo ay muhiimadeedu aheyd ka wada shaqeynta xoojinta amniga iyo midnimada qaranka.
  3. Sida ku cad qodobka 54aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Dowlada Federaalka oo kaliya ayaa awood u leh goโ€™aan ka gaarista arrimaha dibedda, Difaaca, muwaadinimada, socdaalka iyo siyaasada Lacagta.
  4. Soomaaliya weligeedba doorkeedu waxuu ahaa in aynaan waddamo wallaalo ah la kala safan oo marwalba laga shaqeeyo wadajirka waddamada Carabta, Afrika iyo kuwa Islaamka ah. Doorkii Soomaaliya ee Heshiiskii Camp David ee dhamaadkii 70-naadkii waxuu ahaa in Soomaaliya ay diidday in xiriirka loo jaro dalka Masar, taas oo keentay in markii danbe ee ay waddamadii Carbeed heshiiyeen in goโ€™aankeenii dhex-dhexaadka ahaa la wada ammaanay. Sidoo kale goโ€™aankan muranka wadamada Khaliijka qaarkood oo Golaha Wasiiradu maanta mar-labaad ayiday, waxaa soo dhoweeyey shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo weliba beesha caalamka.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Maaliyada ee ku aadan Miisaaniyada 2018 iyadoo la isku raacay isu-diyaarinta iyo hab-raaca nidaamka Maaliyadeed ee keeni kara isla xisaabtan, hufnaan iyo maamul wanaag.

—-DHAMMAAD—-

Previous Post

FAALLO:-Nabadaa Naas la Nuuga leh

Next Post

Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee Dawladda dhexe iyo D/Goboleedyada oo kulmay+Sawirro

Next Post
Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee Dawladda dhexe iyo D/Goboleedyada oo kulmay+Sawirro

Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee Dawladda dhexe iyo D/Goboleedyada oo kulmay+Sawirro

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ค๐ฎ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ง๐š๐›๐š๐๐ ๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ค๐ฎ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ง๐š๐›๐š๐๐ ๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

September 26, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hayโ€™adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In