Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 weeks ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga dalka iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka oo guulo waaweyn kasoo hooyey dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyo doorashooyinkii goleyaasha deegaanka Gobolka Banaadir, ee dhowaan sida guusha ah uga qabsoomay caasimadda.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hadal-jeedin looga dhagaystay Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo si faahfaahsan uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka, isaga oo si weyn golaha ugu bogaadiyay kaalintii muuqatay ee ay ka qaateen qabsoomidda doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee casimadda ka qabsoomay 25-tii Diseembar, 2025, taas oo uu Madaxweynaha ku tilmaamay dhacdo taariikhi ah oo dad badan ay shaki ka qabeen in ay qabsoomi karto.

Related posts

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale ka hadlay duulaankii qaawanaa ee lagu soo qaaday Qaranimada, wuxuuna sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaaray tallaabooyinka diblumaasiyadeed ee dowladdu kaga jawaabtay weerarkaas, isaga oo golaha kula dardaarmay in sida wadajir ah u waajahaan difaaca dalka. Madaxweynaha JFS, ayaa sidoo kale golaha Wasiirada ku booriyay in ay si midnimo, wadajir iyo wadatashi ah ku wajahaan xaaladda dalka, iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, ayaa ansixiyey labo heshiis oo muhiim u ah Qaranka iyo iskaashiga dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya, waxa ayna kala yihiin.

1) Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ku saabsan iskaashiga amniga.

2) Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iy Boqortooyada Sacuudiga kuna saabsan iskaashiga gaadiidka badda.

Sidoo Kale golaha Wasiirrada ayaa meelmariyey Hindise-Sharciyeedyo iyo Siyaadadaha kala ah.

1) Hindise-Sharciyeedka Caddeymaha.

2) Axdiga Caalamiga ah ee Halbeegyada Tababbarka iyo Shahaado-siinta ilaalinta badmaaxiinta 1978.

3) Xeerka dhismaha Machadka Soomaaliyeed ee Badaha.

4) Xeer-nidaamiyaha Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha

5) Siyaasadda Qaran ee Naafada Soomaaliyeed

Ugu dambeyn, golaha ayaa warbixin ka dhagaystay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS, Mudane Daahir Shire Maxamed, taas oo ku saabsan howlaha soo saarista shidaalka oo dhowaan laga bilaabi doono dalka, iyo warbixin ku saabsan xaaladda abaaraha dalka taas oo goluhu ka dhageystay Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA.).

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay Xaaladda Abaareed ee Dalka

Next Post

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Next Post
Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

January 27, 2026
0

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In