Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka guddiga qeybta Furdooyinka ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Tanzania

Idman Yahye by Idman Yahye
8 months ago
in Wararka
0
Shirka guddiga qeybta Furdooyinka ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Tanzania
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026

RADIO MUQDISHO: Magaalada Arusha ee dalka Tanzania waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka arrimaha Furdooyinka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika kaas oo ay isugu yimaadaan agaasimayaasha iyo khubarrada Kastamyada waddamada xubnaha ka ah EAC si ay uga wada hadlaan arrimaha la xiriira isdhexgalka gobolka, fududeynta ganacsiga, casriyeynta Kastamyada, mideynta habraacyada iyo hirgelinta heshiiska Kastamyada EAC.

Shirkan ayaa agaasimayaasha Kastamyada Afrika diiradda ku saareen horumarinta iskaashiga Furdooyinka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, fududeynta ganacsiga iyo hagaajinta habka maareynta gaadiidka xamuulka ah ee isku mara gobolka.

Dowladda Soomaaliya waxaa shirka uga qayb galay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Furdooyinka ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Abuukar Sheekh Axmed Mursal oo ay wehliyaan khubarro ka tirsan Furdooyinka Soomaaliya. Wafdiga Soomaaliya ayaa madasha ka jeediyay warbixin ku saabsan guulaha laga gaaray dib-u-habaynta iyo casriyeynta Furdooyinka Dalka, iyagoo soo bandhigay aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu xoojin karo iskaashiga gobolka.

 

Previous Post

Safiir Soomaaliya ee dalka Masar oo Qaahira soo dhaweyn ugu sameeyay duqa Muqdisho

Next Post

Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeya Magaalada Mombasa

Next Post
Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeya Magaalada Mombasa

Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeya Magaalada Mombasa

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

January 8, 2026
0

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan Maxamuud, ayaa shaaciyay xog muhiim ah oo ku saabsan kheyraadka shidaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In