Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay kulanka xiritaanka Shirka Hindiya–Carabta oo socday muddo laba maalmood, kuna qabsoomay magaalada New Delhi, iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.
Intii lagu jiray kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray ballaarinta fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee u dhexeeya Hindiya iyo dalalka kasoo qeyb galay shirka, iyadoo xoogga la saaray hirgelinta tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo helitaanka suuqyada, isla markaana lagu dardargelinayo iskaashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay sida ay uga go’an tahay horumarinta diblomaasiyadda dhaqaalaha, si loo xaqiijiyo natiijooyin la taaban karo, abuurista fursado shaqo, iyo dhismaha iskaashi waara oo muddo dheer ah.











