Saturday, July 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka ka jawaabista Xasaradaha cunada oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Shirka ka jawaabista Xasaradaha cunada oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan wadatashi oo heer farsamo ah oo looga arrinsanayay sidii loo nidaamin lahaa “hore-uga-jawaabista xasaradaha haqab-beelka cunnada soomaaliya” oo ay ka qeyb galeen hay’adaha, wakaaladaha iyo saaradaha kala duwan ee wadajirka uga howlgala arrimahan, deeqbixiyeyaal iyo hay’ado ka shaqeeya arrimaha bani’aadamnimada iyo horumarinta ayaa magaalada Mudisho lagu soo gabogabeeyay.

Kulanka oo muddo saddex maalin ah socday ayaa salka ku hayaa wadatashiyo laba-geesood ah oo ay dowladdu qabatay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay si loo horumariyo Qorshaha U Diyaargarowga Xasaradaha Cuntada ee Soomaaliya (FSCPP) oo ay hoos-tagayaan wasaaraddaha beeraha iyo waraabka; Qorshaynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha, lalana kaashanayo Bangiga Adduunka iyo saaxiibada kale iyadoo loo marayo Mashruuca Soo-kabashada Dhibaatooyinka Soomaaliya (SCRP).

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

July 11, 2026
TACSI;-Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida halgamaa Xaaji Cali-Shoocaac

TACSI;-Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida halgamaa Xaaji Cali-Shoocaac

July 11, 2026

Shirka wadatashi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo isugu jira kuwo farsamo iyo kuwo siyaasadeed ayaa looga hadlay wada-shaqeyn dhanka farsamada ah, ayadoo sidoo kale intii kulanku socday fursad la siiyey hay’adaha dowladda iyo daneeyeyaasha caalamiga ah si ay uga wada shaqeeyaan sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa qorshaha qabyo-qoraalka ah ee hadda lagu shaqaynayo, gacana ka geystaan sidii loo hagaajin lahaa qeybaha diyaarsan ee la soo jeediyey iyo sidii loo dhisi lahaa is-afgarad qeexaya tallaabooyinka xiga iyo waqtiga lagu hawlgelinayo qorshaha.

Agaasimeyaasha guud iyo wakiillo farsamo oo ka kala socda Wasaaradaha Dowladda, Waaxyaha iyo hay’adaha beeraha iyo waraabka, qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya, xannaanada xoolaha iyo dhirta, kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah, xafiiska tirakoobka qaranka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale saaxiibbo ka socday FAO, UNICEF, iyo ururada bulshada rayidka ah, ayaa ka qayb galay Kulanka.

Geeddisocodka qorshaha horumarineed waa mid ay leedahay ummadda Soomaaliyeed, isla markaana dowladdu hoggaamiso, daneeyeyaashana u oggolaanaya ka qeyb noqoshada iyo la socoshada. Sidoo kale qorshahan waxa muujinayaa muhiimmadda dhisidda awoodaha hay’adaha qaranka muddo kooban iyadoo diiradda la saarayo saddex arrimood:

1- FSCPP wuxuu sharaxayaa isku dubaridka hawlaha sida joogtada ah loo korjoogteeyo, loona ogaado dhibaatooyinka dhanka sugnaanta cuntada iyo nafaqada.

2- Qorshaha FSCPP wuxuu sharaxayaa in ay hannaan fulineed la yimaadaan dowladda, hay’adaha samafalka, iyo saaxiibadada caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarka si loo qiimeeyo khataraha dhibaatooyinka imaan kara , waxna looga qabto dhan fulin iyo dhan dhaqaaleba.

3-FSCPP waxa uu sidoo kale qeexayaa nidaaminta shaqo iyo hab-maamuus ee ay marayaan mas’uuliyiintu si ay uga jawaabaan xaaladaha daran ee soo kordha, ayna u buuxiyaan meelaha bannaan fulin ama dhaqaale ahaanba.

Qorshahaan ayaa la rejeynayaa in la dhammeystiro bisha September, saanadka 2023, kaddib marka ay si rasmi ah u ansixiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada kale ee ka howlan ka jawaabista sugnaanta cuntada dalka.

 

 

Previous Post

Wasiirka Gashaandhigga oo dhigiisa Jabuuti kala hadlay iskaashiga dagaalka Khawaariijta 

Next Post

Biden: Ukraine ma siin doono Diyaarado dagaal

Next Post
Biden: Ukraine ma siin doono Diyaarado dagaal

Biden: Ukraine ma siin doono Diyaarado dagaal

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

July 11, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaanka Dalladda...

TACSI;-Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida halgamaa Xaaji Cali-Shoocaac

TACSI;-Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida halgamaa Xaaji Cali-Shoocaac

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada, Ciidamada Qalabka Sida...

Horjoogayaal Khawaarij ah oo iska soo dhiibay furimaha hore ee dagaalka

Horjoogayaal Khawaarij ah oo iska soo dhiibay furimaha hore ee dagaalka

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Kadib markii Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay in Ciidamada Qaranka ay qaadayaan howlgal kama dambeys...

Guddoomiyaha SoDMA iyo mas’uuliyiin kale oo booqday dadka abaaruhu ku saameeyeen Caabudwaaq

Guddoomiyaha SoDMA iyo mas’uuliyiin kale oo booqday dadka abaaruhu ku saameeyeen Caabudwaaq

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Reysal Qorane oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS), Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In