Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya AVV Muumino Sheekh Cumar, ayaa furtay shirka latashiga Wasaaradaha Dastuurka Dawladaha xubbaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya,Hey’adaha dastuurka u xilsaaran iyo Maamulada kale oo maalintii labaad soconaya.
Wasiir Muumino ayaa bogaadisay dadaaladda dhameystirka Dastuurka oo Madaxweynaha iyo Xukuumadda DanQaran ugu wada howlanyihiin dhameystirka Dastuurka Soomaaliya, kaas oo laf dhabar u ah mustaqbalka Soomaaliya laguna idleeynaayo qaab-dhismeedka sharci ee aasaasiga ah ee taageeraya dawladnimada Dimoqoraadiga ah ,Sareynta sharciga iyo kaladambeynta dadka.
Wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha dastuurka ayaaWasaaradda dda u idman ka shaqeynta dastuuka,Kaas oo larabo in laga saaro KMGka.
Xukuumaadda Dan Qaran ayaa ku howlahan siddii dalkaan lagu hornarin lahaa, Sharciyadiisa, Kaabasha dhaqaalaha,Kor U qaadidda Caafimaadka, Waxbarashada,iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.