Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahab Cabdi Cumar (Cananuug), oo la hadlay Warbaahinta Qaran ka ayaa faah faahin ka bixiyay Shirka Wasiirada Macdanta ee Jaamacadda Carabta iyo Madasha Caalamiga ah ee Macdanta (Future Minerals Forum – FMF 2026) oo uu kaga qeybgalay magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Shirka oo ay martigelisay dowladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa diiradda lagu saaray horumarinta macdanta, baahiyaha caalamiga ah ee khayraadka, iyo muhiimadda maalgashi hufan iyo ka-faa’iidaysi waara.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026

Mudane Cabdiwahaab (Caananuug) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka Xukuumadda ayaa kulamo doceedyo la yeeshay Wasiirro, khuburo iyo daneeyayaal caalami ah, isagoo kala hadlay doorka macdantu ka qaadan karto kobaca dhaqaalaha, abuurista shaqooyin, iyo horumar waara.

Sidoo kale, wuxuu la wadaagay daneeyayaasha fursadaha macdanta ee Soomaaliya, khayraadkeeda dabiiciga ah, iyo mowqifkeeda juqraafiyeed ee istiraatiijiga ah.

Ka-qaybgalka shirka FMF 2026 wuxuu xoojinayaa dadaallada Wasaaradda Batroolka XFS ee ku aaddan soo jiidashada maalgashi caalami ah iyo horumarinta ka-faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah, kuwaas oo u adeegaya danaha qaranka.

Dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka gaartay dadaalada la xiriir qorshaha shidaal qodista dalka, taasi oo soo dedejinaysa fursad maalgashadayaasha caalamiga iyo Soomaaliya ay isku dhaafsan karaan wax wada qabsi dhanka khayraadka dabiiciga ah.

Previous Post

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

Next Post

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Next Post
Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay si diirran u...

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

April 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo uu...

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

April 8, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa la kulmay Mudane Raisedon Zenenga, Ku simaha Madaxa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In