Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Xoojinta Nidaamka Kormeerka iyo Qiimaynta ee Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 month ago
in Wararka
0
Shirka Xoojinta Nidaamka Kormeerka iyo Qiimaynta ee Qorshaha Isbeddelka Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha (WQM&HDH) ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay Shirka Xoojinta Nidaamka Kormeerka iyo Qiimaynta ee Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP2025_2029), kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Maalinta koowaad ee shirka waxaa si qoto dheer diiradda loogu saaray: Soo bandhigista Siyaasadda Maaraynta Waxqabadka Mideysan ee Hay’adaha Dowladda iyo hagaha heshiisyada waxqabadka sanadlaha ah; Soo bandhigista Shaashadda Warbixinta (Dashboard) ee lagula soconayo horumarka iyo natiijooyinka waxqabadka hay’adaha; Faahfaahinta Siyaasadda Qaran ee Kormeerka iyo Qiimaynta (K&Q) iyo nidaamka danabaysan ee lagu mideynayo warbixinaha; Dib-u-hawlgelinta iyo qeexidda waajibaadka Guddiyada Kormeerka iyo Qiimaynta ee tiirarka Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee WQM&HDH, Mudane Maxamed Shire, waxaana sidoo kale kalmado kooban ka jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Axmed Xasan Yuusuf, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Buluuga ah, Mudane Cabdi Diirshe. Mas’uuliyiinta furitaanka ka hadlay ayaa adkeeyay in hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ay ku xirnaan doonto nidaam waxqabad oo la cabbiri karo, ku dhisan xog sax ah, isla markaana leh daahfurnaan iyo isla-xisaabtan.

Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo isku-duwidda hay’adaha dowladda, kor u qaadista hufnaanta maamulka, iyo tayeynta warbixinada ku saabsan guulaha Qorshaha Isbeddelka Qaranka, si shacabka Soomaaliyeed si joogto ah ula socdaan horumarka dowladeed iyo natiijooyinka la gaarayo.

Previous Post

Somalia Congratulates Serbia on Statehood Day

Next Post

Wasaaradda Deegaanka XFS oo qabatay kulan wadatashi ah

Next Post
Wasaaradda Deegaanka XFS oo qabatay kulan wadatashi ah

Wasaaradda Deegaanka XFS oo qabatay kulan wadatashi ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In