Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta soo xiray shir muddo toddobaad ah uga socday Magaalada Nairobi qaar kamid ah heyโaddaha Dowladda,heyโadda Lacagta Adduuunka iyo Bangiga Adduunka.
Shirkaan ayaa muddadii uu socday waxaa diiradda lagu saaray dhammaan wixii ka qabsoomay fulinta shuruudaha deyn-cafinta oo qoddobka ugu muhiimsan uu yahay dib-u-habeynta maaliyadda iyo ku dhaqmidda shuruucda,shirkan ayaa Sidoo kale waxaa laga wada hadlay sidii wadajir looga wada shaqeyn lahaa gaaaridda natiijada barta loo yaqaano โkama-dambeysta deyn-cafintaโ taas oo la rajeynayo in la gaaro dabayaaqada Sanadkaan aan ku jirno ee 2023-ka.
shirkaan ayaa waxa ka soo qeyb galay heโaddaha kala ah Wasaaradda Maaliyadda oo hoggaanka shirka ah, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Wasaaradda Badroolka, Bangiga Dhexe ee Dalka, Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska Raโisul Wasaaraha.