Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkii IGAD oo qaxootiga Soomaaliya looga hadlayay oo la soo gabagebeeyay-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Shirkii IGAD oo qaxootiga Soomaaliya looga hadlayay oo la soo gabagebeeyay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir madaxeedka wadamada geeska Afrika ee IGAD oo maanta la qabsoomay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia oo haya xilka meertada ah ee ururkan.

Agendaha shirkan oo ahaa wax ka qabashada xaaladda qaxootiga Soomaalida ah ee ku kala nool dalalka gobolka ayaa waxaa gabegebadii shirka laga soo saaray war-murtiyeed dhowr qodob ka kooban.

Related posts

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026

Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay isla markaana ay bogaadiyeen madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ay u aheyd markii ugu horeysay oo shirka uu ka qeybgalo isagoo madaxweyne ah.

Sidoo kale, hogaamiyeyaasha IGAD ayaa waxaa ay u hambalyeeyeen danjire Maxamed Cabdi Afey oo dhowaan laanta qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR u xilsaaran arimaha qaxootiga Soomaalida.

Hogaamiyeyaasha urur goboleedka IGAD ayaa waxaa ay isla garteen in dadka Soomaalida ah ee qaxootiga ku ah dalalka gobolka kuwo doonaya in ay dalkooda ku laabtaan laga caawiyo isla markaana aan la qasbin dadka qaxootiga ah.

Sidoo kale madaxda IGAD ayaa isla gartay sida ay muhiim u tahay in la dardargeliyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab maadaama dalalka IGAD intooda badan ay qeyb ka yihiin howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn oo ahaa shir guddoonkii maanta ayaa sheegay  in haddii la doonayo in ay wax la qabto dhibaatada qaxootiga ay tahay in xooga la saaro sidii loo xaqiijin lahaa nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Isagoona xusay in shirkan uu ku soo aaday waqtigii ugu haboonaa ee wax laga qaban karey dhibaatada heysata dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah.

Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn oo la hadlayay xaalada amniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ay ka go’an tahay in la dagaalanka kooxda Al-shabaab  iyo dib u soo celinta nabadda Soomaaliya.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo kamid ahaa madaxdii shirkaas ka qeybgalay oo halkaas khudbad ka jeediyay ayaa u mahadceliyay IGAD doorka nabadeynta ah ee ay ka qaadanayso Soomaaliya.

Mudane Farmajo madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale, khudbadiisa ku faahfaahiyay isla markaana si qodo dheer ugu hadlay xaaladaha abaaraha ee dalka jira iyo sida ay muhiim u tahay in Soomaaliya laga gacan siiyo dib u dhiska hey’adadeeda dowliga ah.

Sidoo kale, madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shirka ka sheegay in Soomaaliya ay horumar balaaran sameysay isla markaana loo baahan yahay in wadamada gobolka iyo guud ahaan Caalamka looga baahan yahay in ay garab istaagaan dadka iyo dowladda Soomaaliya si guulahaas la gaaray aan loo kala dhantaalin.

Shir madaxeedka galabta Nairobi lagu soo gabegebeeyay ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay madaxweniyaasha dalalka; Uganda Yoweri Museveni, Suudaanta koofureed  Salva Kiir, Jabouti Ismaïl Omar Guelleh iyo madaxweyne ku xigeenka dalka Suudaan Hassabo Mohamed Abdulrahman.

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha oo booqday bukaano ay kamid yihiin fanaaniin caan ah-Sawirro

Next Post

Munaasabad lagu taageerayay Wasiirada Magacaaban ee Arrimaha Dibadda iyo Warfaafinta oo Khartoum ka dhacday” SAWIRO”

Next Post
Munaasabad lagu taageerayay Wasiirada Magacaaban ee Arrimaha Dibadda iyo Warfaafinta oo Khartoum ka dhacday” SAWIRO”

Munaasabad lagu taageerayay Wasiirada Magacaaban ee Arrimaha Dibadda iyo Warfaafinta oo Khartoum ka dhacday'' SAWIRO''

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026
0

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambiya, Jamhuuriyadda Indunuusiya, Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In