Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkii labaad ee Madasha muuqaalka cimilada Qaranka ee (NCOF) oo qabsoomay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Shirkii labaad ee Madasha muuqaalka cimilada Qaranka ee (NCOF) oo qabsoomay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkii labaad ee Madasha Muuqaalka Cimilada Qaranka (NCOF) ayaa la qabtay intii u dhexeysay 07-08 Juun 2021 oo ay soo qaban qaabiyeen kooxda wada shaqeynta saadaasha Hawada ee Soomaaliya (SIMMWG) oo kaashaneysa Xarunta Saadaasha Cimilada iyo Codsiyada ee IGAD (ICPAC).

Ujeeddada ugu weyn ee kulanku waxaa uu ahaa in la wadaago, sidoo kalana la ogaado saameynti laga diiwan geliyay roobabka Guga ee sanadkan aan ku guda jirno ee 2021 iyo saamaynta taban iyo kuwa togan ay yeeshen sidoo kalana wax laga ogaado roobabka xilliga xagaaga ee nagu so fool leh iyo saameyntooda ayadoo guud ahaan inta badan dalka ay ka jirto xaalad jiilal ah marka laga reebo waqooyi galbeed oo laga filaayo in qayba kamid ah roobab ka da’aan iyo xeebaha koonfureed oo ay ayadana suuragal tahay in ay roobab ka da’aan inta badana xiliga xagaaga lagu yaqaano.

Related posts

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

April 6, 2026
Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

April 6, 2026

Madashu waxay kulmisay Aqoonyahanada ku xeel-dheer Cimilada iyada oo ay la wadaagan macluumaadka cimilada iyo isticmaaleyaasha qaybaha muhiimka ah ee dhaqan-dhaqaale, hay’adaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn, go’aan qaadayaasha, aqoonyahanada cimilada, iyo daneeyayaasha bulshada rayidka ah iyo kuwa kale.

Muuqaalka Cimilada ee Juun ilaa Sebtember 2021, Waxaa lagu qeexay in guud ahaan xiliga uu jiilaal yahay (dry season), heerkulkana uu kasareeyo xaalada caadiga guud ahaan dalka.

Ugu dambeyn Wasaaradaha sida Beeraha, Biyaha, Xanaanada xoolaha, Caafimadka iyo Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ee dowlada ku waas oo qeyb ka ahaa shirka heer federaal iyo Maamul gobaleed ayaa soo jeediyay tallooyin ku aadan saamaynta taban iyo mida togann ee xiligan.

Previous Post

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee badaha Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Qormo: Jowhar maxaan ku soo arkay?

Next Post
Wasiirka Warfaafinta “Waa waajib in Warbaahintu ay difaacdo madax bananinada Qaranimada Soomaaliya” SAWIRRO

Qormo: Jowhar maxaan ku soo arkay?

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

April 6, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo...

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

April 6, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdulkadir Cali ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo...

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHAB):-Qaar ka tirsan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhaba, ayaa maanta kulamo kala duwan kula qaatay...

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In