Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkii lagu hawl-gelinayey Guddiga Hoggaaminaya Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso Amnigeeda Qaran oo la soo gabagabeeyey “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Shirkii lagu hawl-gelinayey Guddiga Hoggaaminaya Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso Amnigeeda Qaran oo la soo gabagabeeyey “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xuseen Xaaji Xasan, Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qayb galay xiritaanka Shirkii lagu hawl-gelinayey Guddiga Hoggaaminaya Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso Amniga Dalka (STP SSC).

Shirka oo labo maalmood socday ayaa waxaa maanta ka qayb galay xubno ka socday Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xafiisyada Sarsare ee Dowladda. Waxaa kale oo ka soo qayb galay xubno ka socdey hay’adaha qaabilsan amniga dalka ee Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Gobolka Banaadir iyo xubno matalayey Beesha Caalamka oo lagu martiqaaday xiritaanka shirka.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Shirka ayaa waxaa looga hadlayey sidii Soomaaliya ay si buuxda saaxiibbadeeda dhanka amniga uga la wareegi lahayd mas’uuliyadda sugidda Amniga Dalka, iyada oo sidoo kale qiimayn lagu samaynayey wejigii koowaad ee Qorshaha Amniga Soomaaliya (STP) iyo dardar gelinka wejiga xiga ee Qorshaha, iyada oo hoosta laga wada xarriiqay fulinta qorshaha amniga Soomaaliya, lana soo jediyey go’aanno lagu dardar gelinayo dhammays-tirka qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso amnigeeda.

Previous Post

Howlwadeenno ka socday xarumaha Caafimaadka oo tababar loogu soo xiray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post

Press Statement for the Inauguration of STP Strategic Steering Committee 8th and 9th December 2021

Next Post
Shirkii lagu hawl-gelinayey Guddiga Hoggaaminaya Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso Amnigeeda Qaran oo la soo gabagabeeyey “SAWIRRO”

Press Statement for the Inauguration of STP Strategic Steering Committee 8th and 9th December 2021

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In