Friday, September 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkii u socday Wasaarada Maaliyadda iyo Maamulada Gobolada oo lagu soo gagabeeyey magaalada Nairobi “SAWIRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Shirkii u socday Wasaarada Maaliyadda iyo Maamulada Gobolada oo lagu soo gagabeeyey magaalada Nairobi “SAWIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Nairobi, 22, July, 2016….Waxaa maanta lagu soo gagabeeyey magaalada Nairobi shir ay wasaarada maaliyaddu soo qaban qaabisay oo ay ka soo qayb galeen maamulada Galmudug, Puntland, Koonfur Galbeed, iyo Jubaland. Shirka ayaa waxaa looga hadlayey Fiscal Federalism, oo ah sidii loo qaybsan lahaa dakhliga iyo kheyraadka dalku leeyahay, waxaana shirka khudbado ka soo jeediyey khubaro Soomaaliyeed ka kala socday Bangiga Aduunka, Wasaarada Maaliyadda Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, iyo Macalimiin Jaamacadeed.

Khubarada Soomaaliyeed oo ku takhasustay arrimaha Fiscal Federalism-ka iyo ka qaybgalayaasha ayaa soo jeediyey in loo bahaan yahay in laysla fahmo heerka canshuur ee ay qaadayso dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Waxaan khubaradu soo bandhigeen noocyada federaalka ee ka jira caalamka iyo midka ugu haboonaan kara ee dalka ka hirgaliya marka laga hadlayo maareynta dakhliga iyo qaybsiga kheyraadka dalka.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Sidoo kale shirku intuu socday ayaa lagu soo bandhigay xog muujinaysa daymaha Soomaaliya lagu leeyahay oo gaaraysa 5.3 bilyan oo doolar. Waxaana lacagtaas 94% ay tahay dulsaar ku kordhay 26-kii sano ee la soo dhaafay halka 6% ay tahay daynta rasmiga ah ee dalka lagu leeyhay. Dadaalo badan oo ay Wasaarada Maaliyaddu sameeysay ayaa Bangiga Horumarinta Africa shaqaalaysiiyey khubaro soo aruurisa xogta daynta lagu leeyahay Soomaaliya, daymahaas oo ay leeyihiin Hay’ado Caalami ah, iyo Paris Club Countries oo ay ku bahoobeen wadamo badan. Daymaha tirada badan ayaa noqday caqabado ka hor istaagay Soomaaliya in ay hesho deeqo iyo daymo ay ku hormariso dhaqaalaha guud ee dalka, waxaana wasaarada maaliyadu heshiis lagu cafinayo daynta la gashay Hay’ada Lacagta aduunka IMF bilowga sanadkaan.

Bangiga Aduunka oo wakiil ka ah deeq bixiyeyaasha caalamka ayaa fududeeyey qabsoomida kulanka, iyagoo ka taageera maamulada gobolada iyo dowladda dhexe dib u habaynta maamulka maaliyadda dalka, waxayna ka fuliyaan dalka mashaaric ay ku baxdo dhaqaalo faro badan iyagoona soo marsiiya Wasaarada Maaliyadda DFS gaar ahaan mashruuca Public Financial Management iyo Recurrent Cost Reform oo u xilsaaran kharashadka malinlaha ah ee dowalda iyo mushaaradka shaqaalaha.

Ugu danbayntii kulanka ayaa laga soo saaray guddi farsamo kaas oo si qoto dheer u falaqayn doona sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa dowladda dhexe iyo maamulada gobolada iyo qaabka ugu haboon oo loo midayn karo dakhliga loona qaybsan karo kheyraadka dalka iyadoo la waafajinayo shuurcda dalka edegsan.

IMG_0390 IMG_0401 IMG_0413 IMG_0421 IMG_0492 IMG_0511

Previous Post

Daawo Sawirrada: Isbitaal qaabilsan Hooyada iyo Dhallaanka oo laga furay deegaanka Garas-bintoow+Sawirro

Next Post

Donald Trump oo loo caleema saaray musharaxa madaxweyne ee xisbiga Jamhuuriga Mareeykanka+Sawirro

Next Post
Donald Trump oo loo caleema saaray musharaxa madaxweyne ee xisbiga Jamhuuriga Mareeykanka+Sawirro

Donald Trump oo loo caleema saaray musharaxa madaxweyne ee xisbiga Jamhuuriga Mareeykanka+Sawirro

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In