Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika oo ka furmay Istanbuul

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika oo ka furmay Istanbuul
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Meertada Saddexaad ee Shirweynaha Madasha Iskaashiga Turkiga iyo dalalka Afrika ayaa maanta ka furmay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, isaga oo shirku maanta ku furmay jewi heer wasiirro ah oo matalay Turkiga iyo dalalka Afrika.

Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirrada Wasaaradaha, Arrinaha Dibadda Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Beeraha iyo Waraabka Mudane Siciid Xuseen Ciid iyo Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare  Mudane Cabdullaahi Abokor Xaaji, iyada oo lagu lafo-guray iskaashiga iyo xiriirka Turkiga iyo Afrika ee dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, warshadaha, ganacsiga, wax soosaarka beeraha, horumarinta arrimaha Bulshada iyo amniga.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026

Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madasha la wadaagay mawqifka Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka iyo iskaashiga Turkiga iyo Afrika, iyaga oo soo bandhigay fursadaha maalgashiga, beeraha, ganacsiga, waxbarashada iyo warshadaha ee ka jira dalkeenna, iyo qorshaha lagu horumarin karo xiriirka miro-dhalka ah ee ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay udub dhexaad u tahay buundada isku xirta xiriirka waxtarka leh ee ka dhexeeya Turkiga iyo Wadammadda Afrika, waxaana fursadeheeda soojiidashada maalgashadeyaasha kor u qaadaya bardhaca juquraafiyadeed ee ay ku taallo, soo kabashada dhaqaale iyo amni ee dalkeenna, iyo khayraadka dihin ee ceegaaga badaha iyo berriga Soomaaliya

Previous Post

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koofur galbeed oo soo saaray warmurtiyeed.

Next Post

Doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Beri dhaceysa

Next Post
Doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Beri dhaceysa

Doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Beri dhaceysa

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa Marwo Dr....

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan, ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn loogu jabiyay maleeshiyada kooxda...

Dowladda Falastiin oo si buuxda u taageertay madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

Dowladda Falastiin oo si buuxda u taageertay madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Falastiin Varsen Aghabekian Shahin, ayaa si cad u muujisay taageerada buuxda ee dalkiisu u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In