Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirweynaha Waxbarashada Gobolka Banaadir oo la soo gabagabeeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Shirweynaha Waxbarashada Gobolka Banaadir oo la soo gabagabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cali Maxamed ayaa rasmi ah u soo xiray shirweynaha isbeddelka Waxbarashada Gobalka Benaadir 2026, kaasi oo socday muddo labo cisho ah.

Shirweynaha ayaa 18-kii Luulyo si rasmi ah u daah-furay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo khudbaddiisii furitaanka ku adkeeyay in waxbarashadu tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo horumar waara, koboc dhaqaale iyo dhismaha karaanka jiilka soo koraya. Waxa uu sidoo kale xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu mudnaan gaar ah siinayo dib-u-habeynta, casriyeynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

Labadii maalmood ee shirku socday waxaa lagu falanqeeyay caqabadaha iyo fursadaha horyaalla waxbarashada Gobolka Banaadir, iyadoo la soo bandhigay cilmi-baarisyo, daraasado iyo doodo muhiim ah oo ku saabsan tayeynta waxbarashada, maamulka dugsiyada, horumarinta manhajka, habdhaqanka ardayda, tayada macallimiinta iyo xoojinta iskaashiga bahda waxbarashada.

Maalintii labaad ee shirweynaha ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray soo bandhigista cilmi-baarisyo iyo daraasado muhiim u ah horumarinta waxbarashada Gobolka Banaadir, kuwaas oo bixiyay talooyin iyo xalal wax-ku-ool ah oo saldhig u noqon doona qorsheynta iyo hirgelinta dib-u-habeynta nidaamka waxbarashada.

Munaasabadda xiritaanka, Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir, Mudane Abdurahman Ali Mohamed, ayaa uga mahadceliyay dhammaan khubaradii, cilmi-baarayaashii, maamulka dugsiyada, macallimiintii iyo bah-wadaagtii ka qayb qaatay shirweynaha. Waxa uu sheegay in talooyinka iyo natiijooyinka ka soo baxay shirkan loo beddeli doono qorsheyaal wax-ku-ool ah oo lagu sii horumarinayo tayada, hufnaanta iyo helitaanka adeegyada waxbarashada ee Gobolka Banaadir.

Shirweynaha Isbeddelka Waxbarashada Gobolka Banaadir 2026 ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad iyo ballanqaad lagu xoojinayo wada-shaqeynta dowladda, hay’adaha waxbarashada, cilmi-baarayaasha iyo dhammaan bah-wadaagta waxbarashada, si loo hirgeliyo isbeddel waara oo kor u qaadaya tayada waxbarashada Gobolka Banaadir .

Previous Post

Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda oo Daah-furay Barnaamij Tababar Xirfadeed

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Mareykanka ee Afrika

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Mareykanka ee Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Mareykanka ee Afrika

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

October 15, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In