Sunday, April 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sideey Khawaarijtu u dileen Shahiid Hibaad Cali Dasar?(Warbixin)

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Lix afgembi oo laba sano gudahood ka dhacay Galbeedka iyo Bartamaha Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariiste, halgamaa Hibaad Cali Dasar, ayaa shihiiday isaga oo kor yeelaya sharafta ummadda Soomaaliyeed iyo qiimaha Diinteenna Suubban, wuxuuna halganka ka dhanka ah Khawaarijta u istaagay ka dib markii Khaawrijtu ay dadka deggan deegaanka Guulane guryahooda uga kireeyeen Lacag badan oo aysan  awoodin.

Alle ha u naxariisto, Hibaad Cali Dasar, oo ahaa hoggaamiyihii dad iska abaabulay degaanno hoos yimaadda degmooyinka Cadale iyo Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, bilaabayna dagaalka ka dhanka ah kooxda naflacaariga ah ee Al-shabaab ayaa ku geeriyooday dagaal ay Khawaarijta kula galeen deegaanka Guulane bishii October 1,2018, kaas oo Kooxda looga dilay maleeshiyaad iyo horjoogayaal badan.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026

Dad badan oo isugu yimid deegaanka Masaajid Cali Guduud iyo deegaanada hoos yimaado, ayaa xusay halgankii guuleystay ee furaha ay u ahaayeen shihiid Hibaad iyo halyeey Nuur Cali Jumbur, kuwaas oo taariikhda ka galay baal dahab ah.

Maxamuud Taakoow wuxuu ka mid yahay saaxiibada Hibaad Cali Dasar, sidoo kale, aqoon durugsan u leh Nuur Cali Jumbur, wuxuuna ka warramay taariikhda labadan halyeey sida uu ku bilowday go’aankan loo aayay ee Hibaad & Jumbur.

“ Mucawiisley waxaan aas-aasnay 2014, dagaalkana waxaan bilownay 2016-kii, waxayna ku shihiideen meel la yiraahdo Buur-dacar, raggii ugu horeeyay ee ku dhawaaqay dagaalka xaq u dirirka ah ayey kow ka ahaayeen,” ayuu yiri Mr. Taakoow.

Arxaan-laawayaasha ayaa Qoorta ka jaray ka dibna madaxiisa ayay ku soo wareejiyeen magaalooyin badan si ay dadka ugu cabsi galiyaan, warbaahinta qaranka ayaa dul istaagtay ceelkii Khawaarintu ku rideen Hibaad Cali Dasar Aabihii halganka gobalka Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo dhowaan ka hadlay munaasabad loogu duceynayay shihiid Hibaad Cali Dasar iyo shuhado kale ayaa sheegay in halgamaa Hibaad uu shihiiday isagoo kor yeelaya sharafta ummadeenna iyo qiimaha diinteenna suubban iyo dagaalka xaqa ah ee lagula jiro Khawaarijta.

“Runtii Waxay meel sare kaga qoran yihiin halganka jihaadka ah ee ummadeennu kula jirto khawaarijta oo muddo kooban gudahood aan dalka kaga xoreyn doono innaga oo kaa shanayna shacabkeenna sharafta leh,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamsa.

Hibaad Cali Dasar oo hoggaaminayey ciidamada dib u xoreynta Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa la geeriyooday haglamaa kale oo lagu magacaabo Nuur Cali Jumbur, labadan muwaadin iyo kuwo kale oo badan waxay naftooda iyo maalkooda u hureen difaaca dadka, dalka iyo Diinteenna Suubban oo ay si qaldan u fasireen Khawaarijtu.

Alle ha u naxariistee, Halgamaa Hibaad Cali Dasar oo sabab u ahaa in ay dadka deegaanka hubka qaataan lana dagaalamaan Khawaarijta ayaa hadda waxaa mira-dhal noqday ujeedka halgankoodii, waxayna dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada xoogga dalka ku dhiiradeen in ay dagaalamaan oo ay deegaano badan ka saaraan argagixisada.

Waxaa isbeddel dhanka nolosha ah laga dareemayaa deegaanadii halganka uu ku bilowday ee gobolka Shabeellaha dhexe, sidoo kale, waxaa rumowday riyadii uu la god galay halgamaa Hibaad Cali Dasar iyo muwaadiniintii kale ee ka bar bar dagaalamayay, iyadoo ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ku guuleysteen in ay maleeshiyada Al-shabaab ka tir-tiraan gobolka Shabeellaha dhexe.

Deegaanka Guulane, oo ah halka uu halganka ka bilaabay shihiid Hibaad Cali Dasar, waxay 50 KM u jira degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellada Dhexe, maanta waxaa laga darreemaya nabad iyo in dib ay u soo laabatay horumarka iyo noloshii bulshada.

 

Previous Post

Maleeshiyaadka Khawaarijta oo duugay Ceelashii deegaanka No-50

Next Post

Kuuriyada Waqooyi oo markale Gantaallo ballistic ah ku garaacday Xeebaha bari ee Kuuriyada Koonfureed

Next Post
Kuuriyada Waqooyi oo markale Gantaallo ballistic ah ku garaacday Xeebaha bari ee Kuuriyada Koonfureed

Kuuriyada Waqooyi oo markale Gantaallo ballistic ah ku garaacday Xeebaha bari ee Kuuriyada Koonfureed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirka...

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Sawirro: Waxaa si habsami leh u socota munaasabadda xuska sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aasaaska...

Taliyaha Xoogga Dalka oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad guuradoodii 66-aad

Taliyaha Xoogga Dalka oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad guuradoodii 66-aad

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa Geesiyaasha Ciidanka XDS Soomaaliyeed u diray Hambalyada Sanad guuradii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In