Thursday, September 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Siminaar ku saabsan daryeelka Af-Soomaaliga oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 9, 2016
in Keyd Hore, Wararka
0
Siminaar ku saabsan daryeelka Af-Soomaaliga oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan aqooneed aad u balaaran oo lagu baranayay daryeelka Af-Soomaaliga iyo kaalinta ay Hooyada ย ka qaadan karto horumarinta Afka ayaa maanta lagu qabtey xarunta Aqalka Dawladda Hoose ee magaalada Muqdisho.

Madal aqooneedkaasi oo ย si wadajir ah ay u soo qaban-qaabiyeen Akadeemiye Goboleedka Af-Soomaaliga iyo ururka Haweenka Gobolka Banaadirย  ayaa furitaankiisii waxaa ka soo qeyb galey Madax ka kala socotey Dawaladda Federaalka Soomaaliya, ย Maamulka G/Banaadir iyo Mas’uuliyiin mataleysey urrurada bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Related posts

๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง-๐๐š๐ซ๐š๐ง (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)

๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง-๐๐š๐ซ๐š๐ง (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)

September 17, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025

Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md, Yuusuf Xuseen Jimcaale{ Madaale} ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay abaabulka iyo qabashada saminaarkaasi, wuxuuna carabka ku dhuftey inuu Maamulkiisa ay ka goโ€™an ย tahay daryeelka iyo u hiilinta Afka Soomaaliga, isagoo u soo jeediyay haweenka G/Banaadir inay noqdaan bud dhigayaashii afka Soomaaliga isla markaana ay gurmad u galaan sidii loo bad baadin lahaa afkeena hoddonka ah.

Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleeddka Af-Soomaaliga ahna Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Madaxa banaan ee Soomaaliya Prof. Maxamd Daahir Afrax oo isna munaasabadaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyey xaalada iyo marxalada u haatan ku sugan yahay Afka Soomaaliga, wuxuunaย  tibaaxey inay jiraan af dilayaal ย aad u fara badan oo ku soo badanaya af Soomaaliga, isagoo ku nuux nuuxsadey in ย la iska kaashado sdii looga hortagi lahaa khatar walba oo ku soo fool leh afka hooy ee aanu leenahay.

Mar u ka hadlayay hawlaha Akadeemiye Goboleedka Af-Soomaaliga ayaa hoosta ka xariiqey in Akadeemiyadaasi loo unkey sidii ay horseed uga noqon laheyd xoojinta, daryeelka iyo hal aburka Af-Soomaaliga, wuxuuna u soo jeediyay haweenka G/ Banaadir inay hiil u noqdaan Akadeemiyadaasi , isagoo dhanka kale u mahad celiyay Maamulka Muqdisho ย oo uu tilmaamaey inuu xil gaar ah iska saaro horumarinta afka Soomaaliga.

Sidoo kale waxaa furitaankii munaasabadaasi iyana haddalo kala duwan ka soo jeediyay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim, Guddoomiye ku xigeenka ururka Haweenka Qarankaย  Canab Xasan Cilmi iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka G/Banaadir Marwo Jawaahir Maxamed Baarqab, kuwaasi oo sheegey in haweenku ay horseed ka noqonayaan kor u qaadida afka Soomaaliga, iyagooย  balan qaadey sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen waajib gudashada Akadeemiye Goboleedka af-Soomaaliga.

Ka qeyb galayaashii saminaarkaasi oo ka kala socdey 17-ka Degmo ee G/Banaadir ayaa munaasabadaasi waxay ka soo bandhigeen tallo, guubaabo ย iyo suโ€™aalo la xiriiray sida lagu hormarinย  karo afka hooyo, madashaasi oo ay ka faaโ€™iideysteen in ku dhaw 100-xubnood oo haween ah ayaa gaba gabadeedii waxaa laga soo saarey qoddobo ay ka mid ahaayeen:-

1-In la badiyo lana joogteeyo Wacyi galinta ku aadan muhiimda u leeeyahay ย af-Soomaaliga ,lana gaarsiiyo Deegaan walba oo ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed.

2-In la abaabulo olole la mid ah kii horumarinta reer Miyiga, iyadoo ololahaasi bulshada lagu barayo qorista iyo akhriska af-Soomaaliga.

3-In si deg deg ah loo furoย ย  xarumihii Waxbarashada dadka waaweyn ee af-Soomaalga lagu bari jirey.

4-In haweenku ay noqdaan difacayaasha koowaad ee afka hooyo

5- In xil gaar ah la iska saaro erey bixinta cusub ee ย ย af-Soomaaliga.

6- in Hayโ€™adaha caalamka lala kaashado sidi loo baahin lahaa kulamda looga hadlayo illaalinta af-Soomaaliga, iyo qoddobo kale.

Madashii saminaarkaasi ayaa ย ku soo idlaaatey ย jawi aad wanaagsan,waxaana lagu balamey in loo dhaqaaqo sidii la isaga kaashan lahaa bad baadinta af-Soomaaliga.

2 4(1) 5 9 13 17 thumbnail_10

 

Previous Post

Kulan lagu taageerayo shirka madasha Qaran iyo waqtiga Doorashada oo lagu qabtay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Next Post

Dawo Sawirrada: Furitaanka xarunta gabdhaha agoonta Boondheere ee sanad dugsiyeedka 2016/17

Next Post
Dawo Sawirrada: Furitaanka xarunta gabdhaha agoonta Boondheere ee sanad dugsiyeedka 2016/17

Dawo Sawirrada: Furitaanka xarunta gabdhaha agoonta Boondheere ee sanad dugsiyeedka 2016/17

๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง-๐๐š๐ซ๐š๐ง (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)

๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง-๐๐š๐ซ๐š๐ง (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)

September 17, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday qaybta ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya...

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

September 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi, ayaa kulan la qaatay Madaxa U Adkeysiga Afooyinka ee Midowga Yurub,...

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

September 17, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, iyo Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka wada hadlay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In