Xilli abaarta ka jirta dalka ay gaartay heer halis ah, ayaa Hay’adda SoDMA soo gabangabeysay mashruuc cunto-qeybin ah (wajigii 3-aad) oo ay ka faa’ideysteen dadka nugul ee ku nool degmooyinka Balcad iyo Jalalaqsi ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle
Degmada Jalalaqsi waxaa gargaarka ka faa’iideystay 2,009 qoys, halka degmada Balcad ay ka faa’iideysteen 3,696 qoys.
Guud ahaan, 5,705 qoys oo ku kala nool labada degmo ayaa helay gargaarkan wajigiisa 3-aad, kaas oo ujeedkiisu ahaa in lagu yareeyo saameynta duruufaha nololeed ee adag ee ka dhashay abaarta dalka.
Mashruucan oo uu horay u daahfuray Guddoomiyaha Hey’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin ayaa intii uu socday waxa uu si muuqata wax uga taray nolosha dadka deegaanka ee wajahaya saameynta abaarta, isaga oo kaalin ka qaatay badbaadinta iyo taageeridda qoysaska nugul.












