Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaalida ka ganacsata dalka Uganda oo sanadihii ugu dambeeyay soo batay “Warbixin”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Soomaalida ka ganacsata dalka Uganda oo sanadihii ugu dambeeyay soo batay “Warbixin”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sida aad la socotaan Soomaalida ayaa inta badan ku wanaagsan dhanka ganacsiga iyagoo kasoo muuqda meelaha ay tagaan sida dalalka ay ganacsiga ka bilaabeen ee kala ah Koofur Afrika, Musambiig, Koofurta Suudaan, Kenya iyo Uganda oo warbixintan uga hadli doono.

Dhamaan dalalkaas waxa ay Soomaalida ka sameeyeeyn ganacsi muuqda oo heer fiican ka gaareen ganacsatada, iyagoo inta badana dhibaato kala kulma soo muuqashada deg dega ah ee Soomaalida ganacsiga ka gaartay.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Dalka Uganda waxaa ku nool Soomaali lagu qiyaasay 20 kun oo qaxoonti iyo dad deegaan ah isugu jira kuwaas oo xuriyad u helay in ay ka ganacsadaan gudaha Uganda iyagoo wata sharciga dalkooda Soomaaliya.

Maxay Ugandeska ka aaminsan yihiin Soomaalida?

Muwaadiniin Ugandees ah oo aan la kulmay ayaa ii sheegay in ganacsatada Soomaalida ay yihiin ganacsato daacad ah oo aan iibin wax dhibaato u keenaya dalka iyo dadka Uganda, waxa ayna tusaale iigu soo qaateen dalal kale oo usoo iib keenay Uganda waxyaabaha dadka dhiba ee mukhaadaraadka ahΒ  sida Khamriga iyo waxii la mid ah, halka Soomaalida ay keenaan cunooyin iyo wax dalka anfac u leh.

Ugandeeskaas ayaa sidoo kale ii sheegay in Soomaalida marnaba lagu arkee in ay sameeyaan khiyaano sida in dalka ay keenaan wax dhacay oo waqtigooda dhamaaday, ama ay keenaan qalab aan tayo lahayn halka Uganda ganacsatadeeda ay ku dhaliileen in wax tayo xun keenaan hadana qiimo badana ku iibiyaan.

Dadkaas ayaa sidoo kale ku tilmaamay Soomaalida in faa’ido badan ka raadin ganacsigooda balse ay kasbadaan quluubta macaamiishooda iyagoo qiimaha dulsaarka ah aad u yareeya halka ganacsatada kale ay sameeyaan in dulsaar aad u badan saaraan qiimaha waxa ay iibinayaan.

Soomaalida maxay ka ganacsataa?

Soomaalida Uganda ka ganacsata oo dhowr qayb ah ayaa inta badan ka ganacsada qaybaha kala duwan ee kala ah sida Maqaayadaha, Shidaalka, Qalabka dhismaha, Sarifka lacagaha, xawaaladaha, Gaadiidka dalalka afrika isaga goosha iyo waxii la mid ah.

Maqaayadaha ugu waa wayn ee Uganda waxaa gacanta ku haaya Soomaali in muddo ah ku noolaa Uganda waliba yimid xiligii dagaalkii labaad ee aduunka kadibna galay ganacsigan oo aad looga dareemo gudaha Uganda, waxaana magac ahaan ganacsatadaas loogu yeeraa gudaha Uganda Mandeelayaasha oo ah magac ay caan ku yihiin.

Maqaaxiyadaha ugu waa wayn ee Soomaalida hayso waxaa ka mid ah oo marka aad Uganda timaado meel walba ka heli karto CAVE’S JAVAS, kuwaaas oo cunooyin aad umacaan oo heer caalami ah sameeya.

Sidoo kale Soomaalida ayaa inta badan Ajibyada ama kaalimaha shidaalka haaya oo ah kuwa inta badan xukumo ama jaan gooya qiimaha shidaalka dalka Uganda, iyagoo ah haysta shirkada ugu magaca dheer dhanka shidaalka

Shirkada shidaalka ee Soomaalida hayso ayaa waxaa ka mid ah, Hass Petroleum,Β City Oil, Luqman Petroleum, iyo kuwa kale oo dhamaan ku kala baahsan daafaha dalka Uganda magaalo ilaa iyo miyi.

Gaadiidka waa wayn ee isaga goosha dalalka dariska la ah Uganda iyo dalalka kale, sidoo kalena ka shaqeeya gudaha Uganda ayaa waxaa gacanta ku haaya shirkado Soomaali ah oo basas waa wayn leh.

Gateway Bus iyo kuwa kale oo ah shirkadaha ugu waa wayn dhanka gaadiidka ayaa waxaa leh Soomaali iyagoo taga ama dad u daad gureeya dalka dariska ah sida Kenya, Ruwanda, iyo Koofurta Suudaan oo maalin walba basaskaas u kala goosaan.

Soomaalida kuma eka oo kaliya shirkadaha aan kor kusoo xusnay ee waxa oo kale ay gacanta ku haayaan shirkado soo saara cunooyinka qaybihisa kala duwan sida Burka iyo Sonkorta oo ah shirkada ugu wayn ee labadaas nuuc sameeya.

Sonkorta iyo Burka laga isticmaalo shirkadaha soo saara Β waxaa leh Soomaali iyagoo xitaa u dhoofiya wadamada dariska ah, waana burka ugu tayada iyo qiimaha fiican gudaha Uganda.

Xawaaladaha iyo shirkadaha sarifka marka aad u baahato oo aa tagto suuqa wayn ee Kampala waxaa arkaysaa Soomaali badan oo shirkadahaas ka shaqeeya, marka aad u sii kuurgashidna waxaa ogaanaysaa in dhamaan Soomaali leedahay oo qaarkood wataan magacyadii xawaalaha Soomaaliya halka kuwa kalena ay leeyihiin magacyoΒ  gudaha Uganda kaliya laga isticmaalo sida SUNDUS, AL-HUDA, iyo magacyo la mid ah.

Isku soo wada duuboo Soomaalida Uganda ku nool ayaa kasoo muuqatay dhamaan dhinacyada ganacsiga ee ka shaqeeyaan iyagoo aad loogu amaanay inta badana shaqo abuur u sameeya dhalinyaro Soomaali ah oo Uganda ku dayaci malahaa hadii aysan fursadan helin.

W/Q/ Fiidow Maxamuud Fiidow

Kampala Uganda

Previous Post

howlgal lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In