Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga oo ka shiray u gurmashada qaxootiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo shir caalami ah uga  qeybgashay Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladdda Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah oo ka shiray sidii loo mideyn lahaa dadaalada loogu gurmanayo qaxootiga iyo Barakacayaasha Gobalka oo lagu qabtay dalka Kenya.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Qaxootiga Adduunka ayna ka qeybgaleen Wafdi ka socday dowladda oo ay hogaaminaysay Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiyo Xasan Maxamed oo ay qeyb ka ahaayeen wakiilo matalayay shirkadaha ganacsiga ee sida gaarka loo leeyahay, Jaamacadaha dalka, mas’uuliyiin ka socday qaar ka mid ah Wasaaradaha dowladda, Urur Gobolleedka IGAD, Bulshada Bariga Afrika iyo hay’ado caalami ah, kuwa heer gobol ee daneeya arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha, waxaana looga hadlayay  horumarinta jawiga maalgashiga iyo xoojinta dhaqaalaha qaxootiga, barakacayaasha, iyo bulshooyinka martida loo yahay.

Related posts

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026

Shirkan ayaa inta uu socday waxaa la isku raacay sidii loo yareeyn lahaa shaqo la’aanta iyo duruufaha ay wajahayaan qaxootiga, gaar ahaan kuwa ku soo guryo noqonaya dalkooda ee ka soo laabanaya xeryaha qaxootiga iyo barakacayaasha.

Qaar ka mid ah dadkii madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in shirka xoogga lagu saaray sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa barakacayaasha iyo qaxootiga.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiyo Xasan Maxamed oo Warbaahinta la hadashay ayaa xustay in shirka ay ka soo baxeen guulo la taaban karo oo ay ugu horeyso in fursado shaqo iyo Maalgashi loo sameeyo qaxootiga dalkooda ku soo laabanaya iyo Barakacayaasha.

Previous Post

Sheekh Shaakir “Fikirka Khawaarijta waa in Fikir laga horgeeyo, waxaana xambaarsan culumada”

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la yeeshay Ganacsatada

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la yeeshay Ganacsatada

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la yeeshay Ganacsatada

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters...

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026
0

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In