Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
1 month ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo dhiggiisa dalka Masar, Badr Abdelatty, ayaa Talaadadii khadka taleefanka wada-hadal ku yeeshay, iyagoo diiradda saaray xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah iyo isbeddelada amni ee ka dhacaya gobolka Geeska Afrika, wuxuuna dhiggiisa uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee dowladda Masar ay la garab taagan tahay Soomaaliya,

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

islamarkaana wuxuu xaqiijiyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay xiriir iyo wada-shaqayn dhow la yeelato xukuumadda Qaahira, si loo xoojiyo iskaashiga labada waddan loona xaqiijiyo danaha wadaagga ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Abdelatty, ayaa mar kale ku celiyay taageerada adag ee xukuumadda Qaahira ay u hayso midnimada, madax-bannaanida iyo bedqabka dhuleed ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa si cad u sheegay in dalkiisu uu ka soo horjeedo tallaabooyin kasta oo halka dhinac ah oo wax u dhimi kara madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiir Abdelatty ayaa xusay in Masar ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee ay la leedahay Soomaaliya, isla markaana ay sii wadi doonto taageerada dadaallada lagu tayeynayo hay’adaha dowladda, gaar ahaan dhisidda awoodda la-dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Wasiirka dalka Masar ayaa ku baaqay in maalgelin waarta loo helo hawlgalka cusub ee taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, isagoo xusay qayb-galka dowladda Masar ee hawlgalkaas, wuxuuna tilmaamay in hawlgalka Midowga Afrika iyo kan Qaramada Midoobay ee taageera Soomaaliya ay tahay in la sii wado, isla markaana dhaqaale ku filan la siiyo, si ay gacan uga geystaan ilaalinta amniga, xasiloonida iyo midnimada Soomaaliya.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Next Post

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

Next Post
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In