Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay furista Safaarada Sacuudiga ee Muqdisho

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay furista Safaarada Sacuudiga ee Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu hoggaaminayay lataliye Abdusalam bin Abdullahi bin Rashud Al Anzi.

Danjire Maxamed Cali Nuur, ayaa soo dhoweeyay wafdigan ka socday Sacuudiga, isagoo caddeeyay in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay tahay dowlad walaal ah oo xiriir qotodheer oo ku sal go’an ilbaxnimo iyo dhaqan uu kala dhexeeyo Soomaaliya, iyadoo ah dowlad wax wadaag istiraatiijiyadeed, waxa uu bogaadiyay taageerradeeda bani’aadannimo iyo mowqifyada heer caalami ee ay ku garab istaagto Soomaaliya.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026

Kulankani ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray qabanqaabada dib u furista Safaarada Sacuudiga ee Caasimada Muqdisho, iyadoo adeegyadeedana laga soo wareejinayo caasimada Kenya ee Nairobi, iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee dano wadaagga ah oo ay ku jirto siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga , dhaqanka iyo waxbarashada si looga guul keeno yididiillada iyo himilooyinka labada dal iyo Shacabka walaalaha ah.

Previous Post

Miino baarayaal lagu dilay Afghanistan

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo ka sameeyay Deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo ka sameeyay Deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo ka sameeyay Deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(INDIA):-Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In